Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Bayle” Bahwadaagteena waxa ay bogaadiyeen dadaalada dib u habaybta dhaqaale ee dowladda Soomaaliya”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Bayle” Bahwadaagteena waxa ay bogaadiyeen dadaalada dib u habaybta dhaqaale ee dowladda Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in Dowaladda Fedraalka Soomaaliya lagu amaanay dadaalada dib u habaybta dhaqaale ee Dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

“Madashii shalay ee ku saabsanayd deyn cafiska, bahwadaagteena waxa ay bogaadiyeen dadaalada dib u habaybta dhaqaale ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Dib u habaybtu marnaba ma ahan mid sahlan oo fudud, Waxa ay baahan tahay dulqaad, wadahadal, wadashaqayn iyo joogtayn”ayuu yiri Wasiir Bayle, waa innaan sii wadnaa  kana-wada shaqeyno Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si aan uga faa’iideysano miraha dadaalkan”ayuu yiri Wasiir Bayle.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in meel wanaagsan uu maraya barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya islamarkaana  ay sii wadi doonaan dib u habaybta oo uu sheegay in uu yahay mid u wanaagsan Soomaaliya.

“Laga soo bilaabo shirkii shalay ee magaalada Washington ee uu hoggaamiyay R/Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxaa meel wanaagsan maraya arrimaha deyn cafiska. Waan sii wadi doonaa dib u habaybta sababtoo ah waa mid u wanaagsan Soomaaliya iyo dadkeena soo kabanaya ee u qalma mustaqbalka wanagsan”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda Xukuukmadda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Bahwadaagta calaamiga ah oo dhan waxay diiradda saarayaan waxa ay waddankooda iyo ururadooda ay u qaban doonaan Soomaaliya, Haddii aan nahay Soomaali, waa innaa samaynaa wax kasta si aan dib ugu dhisno Qarankeena, sharafteena iyo mustaqbalkeena. Soomaaliya annagaa iska leh, dalkastana dadkiisa ayaa dhisa”.

Previous Post

Mareykanka oo duqeyn ku dilay Hor-joogayaal ka tirsanaa argagixisada Al-shabaab

Next Post

Maamulka degmada xuddur oo faahfaahin ka bixiyey Howlo waddo bixin ah oo Maalmihii dambe ka socdey degmada+Sawirro

Next Post
Maamulka degmada xuddur oo faahfaahin ka bixiyey Howlo waddo bixin ah oo Maalmihii dambe ka socdey degmada+Sawirro

Maamulka degmada xuddur oo faahfaahin ka bixiyey Howlo waddo bixin ah oo Maalmihii dambe ka socdey degmada+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In