Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Bayle oo dhagax dhigay dhismaha xarunta sadaxaad ee Wasaaradda maaliyadda

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Bayle oo dhagax dhigay dhismaha xarunta sadaxaad ee Wasaaradda maaliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhismaha xarunata Sadaxaad ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay taageerayaan bangiga Aduunka ayaa muhiim u ah helitaanka howlwadeenada wasaaradda Maaliyada xafiisyo ku filan oo ay ku gutaan waajibka Qaran ee saaran.

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Cabdirxamaan Ducaael Beyle dhagax dhigay xaruntaan waxa uu balan qaaday inay xoojinaynayaan hufnaanta Maaliyada isaga oo u mahad celiyay Bangiga aduunka.

” Waxaa farxad inoo ah inaan dhagax dhigno daartii sadaxaad ee wasaaradda maaliyadda waxaan dhawaan xarig ka jarnay daartii labaad oo ay naga taageertay dowladda Sweden oo aan dhawaan u soo guureyno, tan aan maanta dhagax dhigayno oo dhawaan la bilaabayo waxaana naga taageeraya dhismaheeda Bangiga Aduunka waan u mahad celinaynaa, waxaan balan qaadaynaa in shilin walba sidii loogu talagalay uu ku  baxo” ayuu yirii wasiir Beyle

Wasiirka maaliyadda waxa uu intaa ku daray in dalku sameynayo hormar dhinac dhismaha xarumaha muhiimka u ah adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhismaha Xaruntaan sadaxaad ee wasaaradda Maaliyada Soomaaliya ayaa la mataanaha xarunta labaad ee wasaaradda oo dhismhaheeda xariga laga jaray bishii November ee sanadkii tagay waxaana xarumahani dhismahooda gacan ka geysanayaan horumarinta howlaha maaliyadda iyo adeegyada ay howlwadeenkeedu u qabtaan bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhalinyaro Isku-xilqaantay sidii danyarta ay u afuri lahaayeen oo Shacabka ugu baaqey iney ka qeyb qaataan+Sawirro

Next Post

Federal Government of Somalia, U.S. target al-Shabaab

Next Post
Federal Government of Somalia, U.S. target al-Shabaab

Federal Government of Somalia, U.S. target al-Shabaab

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In