Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige oo maanta ka hor hadlay golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in cabashada ganacsatada Muqdisho aysan ahayn canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay, balse ay culeysyo ka muujiyeen lacago kale oo laga qaado.
Wasiirka ayaa xusay in ganacsatadu ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, taasna aanu ka jirin wax caqabad ah, balse dowladdu ay hadda ku hawlantahay in ganacsatada laga dul qaado culaysyada kale ee aan qaban.
Biixi ayaa sheegay in wax badan oo ka mid ah caqabadaha ay ka cawdeen ganacsatada la xaliyey, uuna la fariistay guddi ka socda, haatana la doonayo ilaa heer xukuumadeed in cabashadooda la gaarsiiyo, si go’aan mug iyo miisaan leh oo xal rasmi ah keeni kara looga soo saaro