Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Biixi oo kulan la qaatay Madaxda Sare ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Carabta 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
10 months ago
in Wararka
0
Wasiir Biixi oo kulan la qaatay Madaxda Sare ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Carabta 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kuwait, ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay masuuliyiin Dowladeed iyo qaar ka mid ah madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta, Wasiirka iyo wafdigisu waxa ay kulan gaar ah la qaateen madaxda Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait, kulan kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo helilahaa maalgalin ku saabsan ilaha dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-haneynta Maaliyadda dalka oo Dowladda Kuwait ay hore gacan balaaran uga gaysatay.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay fursada maalgalineed ee u baahan in iskaashi gaar ah laga yeesho iyada oo diiradda la saarayo maalgalinta ilaha wax soo saarka bulshada Soomaaliyeed ay aadka u danaynayaan di dhaqaalaha gudaha dalka uu sare ugu koco.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay caasimadda kula caweeyay bulshada Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay caasimadda kula caweeyay bulshada Soomaaliyeed

January 24, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo dalka Qatar kula kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin-jabiyay kuliyadda Booliska ee Qatar

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo dalka Qatar kula kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin-jabiyay kuliyadda Booliska ee Qatar

January 24, 2026

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay in Sanduuqani uu door muhiim ah kulahaa in Dowladda Soomaaliya ay gaarto bartii kama dambeysta ee hannaankii deyn caginta, sidoo kale Mudane Wasiir Biixi ayaa sheegay in kulanka ay hada la yeesheen Agaasimaha Guud ee Kuwait Fund Mr. Waleed Shamlan Al-Bahar ay warbixin guud ka siiyeen heerka maaliyadeed ee maanta ay taagan yihiin kadib deyn cafintii iyo qorshe yaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay mihiimadda siinayso.

Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait waxa uu ka mid yahay Saaxibada sida joogtada ah uga qeyb qaatay safarkii Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Dhaqaalaha iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadeed ee dalka.

Previous Post

Wasiir Beene-beene oo la kulmay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

Next Post

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyeen howlgallada dalka looga sifeynayo khawaarijta 

Next Post
Golaha Wasiirrada oo bogaadiyeen howlgallada dalka looga sifeynayo khawaarijta 

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyeen howlgallada dalka looga sifeynayo khawaarijta 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay caasimadda kula caweeyay bulshada Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay caasimadda kula caweeyay bulshada Soomaaliyeed

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqday mid ka mid ah goobaha nasiinada ee magaalada...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo dalka Qatar kula kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin-jabiyay kuliyadda Booliska ee Qatar

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo dalka Qatar kula kulmay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin-jabiyay kuliyadda Booliska ee Qatar

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(QATAR):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada guud ee dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada guud ee dalkaas

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SOUTH AFRICA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka South Afrika Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa maanta ka qeyb galay...

Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay Shabakad Argagixiso

Ciidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay Shabakad Argagixiso

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad argagixiso oo isku xiran, kana kooban illaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In