Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiir Daahir Geelle oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Wasiir Daahir Geelle oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in gebi ahaanba howlgalkii argagixisad Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha oo u dhaw Taalada Sayidka in la soo afjara.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in la laayay dhamaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, isla markaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay badbaadiyaan dadkii ku jiray gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, iyagoo saacado kooban ku soo afjaray howlgalka.

“Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaanno, ka soo reynayay muddoyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaadayay, Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa tilmaamay in qaraxii maanta uu ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhaawacyada lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyada cul culus ee gudaha dalka wax looga qaban waayo ay dowladdu diyaar u tahay inay u qaaddo caafimaad dibadda ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay bulshada siiyo adeegada aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka, isla markaana ka shaqeyso sugidda amnigooda, halka Maleeshiyada Al-Shabaab ay shacabka xasuuqaan oo caadistay inay baneestaan dhigga dadka muslimiinta ah.

Halkan ka dhageyso shirka Jaraa’id ee Wasiirka

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/07/Shirka-Jaraaid-Wasiir-Daahir-Geelle.mp3
Previous Post

Guddiyada joogtada ah ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay Xiritaanka kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Next Post

Minister : Security forces complete operation against terrorist fighters at Ministry of Interior

Next Post
Wasiir Daahir Geelle oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada “Dhageyso”

Minister : Security forces complete operation against terrorist fighters at Ministry of Interior

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In