Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiir Daahir Geelle oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Wasiir Daahir Geelle oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in gebi ahaanba howlgalkii argagixisad Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha oo u dhaw Taalada Sayidka in la soo afjara.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in la laayay dhamaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, isla markaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay badbaadiyaan dadkii ku jiray gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, iyagoo saacado kooban ku soo afjaray howlgalka.

“Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaanno, ka soo reynayay muddoyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaadayay, Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa tilmaamay in qaraxii maanta uu ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhaawacyada lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyada cul culus ee gudaha dalka wax looga qaban waayo ay dowladdu diyaar u tahay inay u qaaddo caafimaad dibadda ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay bulshada siiyo adeegada aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka, isla markaana ka shaqeyso sugidda amnigooda, halka Maleeshiyada Al-Shabaab ay shacabka xasuuqaan oo caadistay inay baneestaan dhigga dadka muslimiinta ah.

Halkan ka dhageyso shirka Jaraa’id ee Wasiirka

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/07/Shirka-Jaraaid-Wasiir-Daahir-Geelle.mp3
Previous Post

Guddiyada joogtada ah ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay Xiritaanka kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Next Post

Minister : Security forces complete operation against terrorist fighters at Ministry of Interior

Next Post
Wasiir Daahir Geelle oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada “Dhageyso”

Minister : Security forces complete operation against terrorist fighters at Ministry of Interior

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In