Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wasiir Dhuuboow “Cayaartooydan yar yar waa mustaqbalka beri”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wasiir Dhuuboow “Cayaartooydan yar yar waa mustaqbalka beri”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda dhalinyarada, xubno ka tirsan guddiga olombikada Soomaaliyeed iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa garoonka kubadda cagta ee koonis kaga qeyb galay tartan lagu soo xulayay arday laga soo kala xulay dugsiyada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb gali doona tartanta kubadda cagta iskuulaadka Jaamacadda carabta oo ka dhici doono dalka Qadar.

Macalimiinta iskuulaadka iyo kuwa xiriirka ee tababarka siinayay cayaartooydan da’yarta ah ayaa waxa ay tilmaameen in carruurta ay gaarayaan 56-, isla markaana ay maanta ka soo xuleen 20 arday, kuwaasi oo la gaarsiin doono ilaa iyo 30 cayaartooy.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Xuseen Xasan kulmiye oo ah macalin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa tilmaamay in dhalinyaradan ay leeyihiin mustaqbal fiican, loona baahanyahay in la joogteeyo tababarsiinta carruurta da’da yar, si ay u noqdaan mustaqbalka beri.

Cabdirashiid Maxamed Ciise oo soo qaban qaabiyay howshan ayaa sheegay in carruurtan ay ka qeyb geli doonaan tartan isboorti oo dalka Qadar lagu qaban doono, kaasi oo ay la cayaari doonaan cayaartooyd da’doodu gaareyso 11 sano.

Maxamed Cumar Idiris oo ah mas’uul ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ayaa tilmaamay in ardaydan laga soo kala xulay iskuulaadka magaalada, oo ay la kaashadeen daladaha waxbarashada, isagoo Wasaaradda Isboortiga ka codsaday inay halkan ka sii amba qaadaan howsha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda cayaaraha iyo dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa hoosta ka xariiqay in ardaydan ay beri noqon doonaan mustaqbalka cayaartooyda Qaranka, ayna dhiiri gelinayaan tallaabooyinka lagu horumarinayo isboortiga dalka.

“Waa fursad fiican oo mustaqbal u noqon karta, jiilkan yar yare e aad arkeysaan, runtii Wasaaraddu way bogaadineysaa tallaabooyinka lagu dhiiri gelinayo da’yarta isboorti, oo aan dhihi karo inay Soomaaliya u tahay mustaqbal fiican”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada.

Wasiir ku-xigeenka ayaa intaasi kadib waxa uu kormeer ku tegay garoonka kubadda kolleyga ee degmada C/casiis, gaar ahaan qeybta dabaasha iyo binkaha, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageyso xubno ka tirsan GOS, si dib u habeyn loogu sameeyo garoonkaasi.

vlcsnap-2015-09-22-17h23m05s61 vlcsnap-2015-09-22-17h23m09s61 vlcsnap-2015-09-22-17h23m23s236 vlcsnap-2015-09-22-17h23m33s93 vlcsnap-2015-09-22-17h23m46s247 vlcsnap-2015-09-22-17h23m54s63 vlcsnap-2015-09-22-17h23m58s63 vlcsnap-2015-09-22-17h24m10s235 vlcsnap-2015-09-22-17h24m25s114 vlcsnap-2015-09-22-17h24m35s215 vlcsnap-2015-09-22-17h24m38s215

Previous Post

Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo u Dabaal degay todobaadka Dhagoollada “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In