Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wasiir Dhuuboow “Cayaartooydan yar yar waa mustaqbalka beri”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wasiir Dhuuboow “Cayaartooydan yar yar waa mustaqbalka beri”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda dhalinyarada, xubno ka tirsan guddiga olombikada Soomaaliyeed iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa garoonka kubadda cagta ee koonis kaga qeyb galay tartan lagu soo xulayay arday laga soo kala xulay dugsiyada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb gali doona tartanta kubadda cagta iskuulaadka Jaamacadda carabta oo ka dhici doono dalka Qadar.

Macalimiinta iskuulaadka iyo kuwa xiriirka ee tababarka siinayay cayaartooydan da’yarta ah ayaa waxa ay tilmaameen in carruurta ay gaarayaan 56-, isla markaana ay maanta ka soo xuleen 20 arday, kuwaasi oo la gaarsiin doono ilaa iyo 30 cayaartooy.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Xuseen Xasan kulmiye oo ah macalin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa tilmaamay in dhalinyaradan ay leeyihiin mustaqbal fiican, loona baahanyahay in la joogteeyo tababarsiinta carruurta da’da yar, si ay u noqdaan mustaqbalka beri.

Cabdirashiid Maxamed Ciise oo soo qaban qaabiyay howshan ayaa sheegay in carruurtan ay ka qeyb geli doonaan tartan isboorti oo dalka Qadar lagu qaban doono, kaasi oo ay la cayaari doonaan cayaartooyd da’doodu gaareyso 11 sano.

Maxamed Cumar Idiris oo ah mas’uul ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ayaa tilmaamay in ardaydan laga soo kala xulay iskuulaadka magaalada, oo ay la kaashadeen daladaha waxbarashada, isagoo Wasaaradda Isboortiga ka codsaday inay halkan ka sii amba qaadaan howsha.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda cayaaraha iyo dhallinyarada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow ayaa hoosta ka xariiqay in ardaydan ay beri noqon doonaan mustaqbalka cayaartooyda Qaranka, ayna dhiiri gelinayaan tallaabooyinka lagu horumarinayo isboortiga dalka.

“Waa fursad fiican oo mustaqbal u noqon karta, jiilkan yar yare e aad arkeysaan, runtii Wasaaraddu way bogaadineysaa tallaabooyinka lagu dhiiri gelinayo da’yarta isboorti, oo aan dhihi karo inay Soomaaliya u tahay mustaqbal fiican”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada.

Wasiir ku-xigeenka ayaa intaasi kadib waxa uu kormeer ku tegay garoonka kubadda kolleyga ee degmada C/casiis, gaar ahaan qeybta dabaasha iyo binkaha, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageyso xubno ka tirsan GOS, si dib u habeyn loogu sameeyo garoonkaasi.

vlcsnap-2015-09-22-17h23m05s61 vlcsnap-2015-09-22-17h23m09s61 vlcsnap-2015-09-22-17h23m23s236 vlcsnap-2015-09-22-17h23m33s93 vlcsnap-2015-09-22-17h23m46s247 vlcsnap-2015-09-22-17h23m54s63 vlcsnap-2015-09-22-17h23m58s63 vlcsnap-2015-09-22-17h24m10s235 vlcsnap-2015-09-22-17h24m25s114 vlcsnap-2015-09-22-17h24m35s215 vlcsnap-2015-09-22-17h24m38s215

Previous Post

Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo u Dabaal degay todobaadka Dhagoollada “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In