Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini: “Dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka uma hakanayo falalka Argagixisada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiir Diini: “Dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka uma hakanayo falalka Argagixisada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,August 22, 2015..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa si adag u canbaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday  xarunta Jaamacadda Kismaayo oo fariisin u ah  Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Weerarkaasi fulaynimada ah oo ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidanka Qaranka , ayaa Wasiirku ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha nabadda kasoo horjeeda ku bartilmaameed sadeen xarun ay dagan yihiin ciidamadda Dawladda.

Wasiir Diini ayaa sheegay weerarkaasi oo loo adeegsaday gaari waxyaalaha qarxa lagu soo rakibay in uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Wasiir Diini ayaa yiri: “Weerarkan waxa uu ka mid yahay falalka naf-lacaariga ah ee kooxaha nabad-diidka ah  ku bartilmaameed-sanayaan xarumaha dawladda iyo goobaha shacabka ee dalkeena Soomaaliya, falkan fulanimada ah waxa uu keli ah muujinayaa taag-darida kooxaha nabad-diidka ah ee hortaagan horumarka ummada Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa cadowga falkan geystay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed mar walba u taagan yahay difaaca dalkooda hooyo, dhismaha ciidankuna u hakan doonin falalka guracan ee Al-shabaab”.

“Waxaan tacsi u dirayaa  qoysaskii iyo ehelladii dadkii dhintay, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta  dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, waxana Dawladdu xil iska saaraysaa daryeel-kooda, sidoo waxaan kale tacsi u dirayaa ciidamadda  AMISOM ee wax yeeladu gaartay gaar ahaan ciidanka Kenya oo uga tacsiyeynayo ehelladooda meel kasta oo ay joogaan waana ku mahadsan yihiin sida ay dhiigooda noogu hureen”.

Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa xusay in weerarkan marna ka weecin doonin  dadaalka loogu jiro dib u dhiska ciidamadda qaranka Soomaaliyeed iyo in xasilooni dib loogu  soo celiyo dhammaan dalka Soomaaliya si ummaddeenuna nabad iyo cizi ugu noolaato.

Wasiir Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu danbeyn, dadka dagan  Kismaayo wuxuu ugu baaqay  in si mideysan ay  uga soo horjeestaan ururada nabadda iyo xasiloonida diidan.

 

Previous Post

Xaflad lagu taageerayay Galmudug oo lagu qabtay Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adaha amniga oo ka hadlay qaraxii maanta ee isgoyska Jubba “Dhageyso”

Next Post
Hay’adaha amniga oo ka hadlay qaraxii maanta ee isgoyska Jubba “Dhageyso”

Hay’adaha amniga oo ka hadlay qaraxii maanta ee isgoyska Jubba “Dhageyso”

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In