Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini oo cambaareeyey weerarkii Nabad-diidku ku qaadeen Akaademiyada Kismaanyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa cambaareeyey falkii argagixiso ee kooxaha nabad-diidku ay ku qaadeen xero tababar oo ku taalla duleedka waqooyi ee magaalada Kismaanyo, halkaasi oo ay ku xareeys-naayeen ciidan ka tirsan Daraawiishta Jubbaland. Falkaasi argagixiso ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka ayaa tacsi u diray Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka dhinteen ciidankaasi geesiyaasha ahaa ee u halgamayey Soomaaliya oo nabdoon. Wuxuna xusay in ciidamadaas iyo kuwii ka horeeyey ee dhintay iyagoo u dagaalamaya difaaca dalkooda hooyo marnaba la ilaawi doonin.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Diini ayaa ku bogaadiyey ciidamadda qaranka waajib-gudashada iyo naf-hurnimada, isagoo tilmaamay in ciidanku suura-geliyeen in cadowgu uu ku hungoobo falalkii ay la damacsanaayeen in lagu wiiqo horumarka iyo nabadda dalka ka jirta.

Wasiirka oo weerarkii duleedka Kismaanyo ka hadlay ayaa yiri: “Waxaan  tacsi u dirayaa qoysaska, saaxiibada iyo ehellada ciidamadii qaranka ee lagu dilay weerarkii ka dhacay Kismaanyo. Ciidankaas waxay muujiyeen naf-hurid iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin difaaca dalkooda ”

“Weerar kaas iyo kuwii ka horeeyey ee cadowgu ka sameeyey dalka waxay ahaayeen  falal fuleynimo ah oo ay sameyeen kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan Diinta Islaamka. Waxaan u sheegaynaa kooxaha nabad-diidka ah in ciidanka qaranka mar walba iyo meel walba uu diyaar ugu yahay sidii uu damaciinna gurracan u hor istaagi lahaa”

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa ugu danbeyn boggaadiyey howlgallada ka socda dalka ee lagu baacsanayo haraadiga nabad-diidka, isagoo ammaan u jeediyey ciidamadda Soomaaliyeed iyo saaxiibada AMISOM, isla markaana ku dhiirrigeliyey inay xoojiyaan dadaallada geesinimo ee ay kaga hortagayaan kooxda sharka iyo burburka ee waqtigeedu sii dhamaanayo.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay tuulooyin hoostaga degmada Ceel buur

Next Post

Maareeyaha dekadda Kismaayo oo beeniyay in dhuxul laga dhoofiyo Kismaayo

Next Post
Shir lagu soo xulayo xildhibaanada maamulka Jubba oo Kismaayo ka furmaya

Maareeyaha dekadda Kismaayo oo beeniyay in dhuxul laga dhoofiyo Kismaayo

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In