Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Diini  oo Tababar ugu soo xirey Xerada Jazeera Saraakiil ka tirsan C.X.D.S “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Diini  oo Tababar ugu soo xirey Xerada Jazeera Saraakiil ka tirsan C.X.D.S “SAWIRRO”

?????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

August  31, 2015….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xero ku taala deegaanka Jaziira taba-bar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaas tababar ku qaadanayay muddo dhawr bilood ah.

Ciidankaan ayaa isagu jira Booliska Dableeyda iyo Saraakiil cusub oo kamid noqonaya Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana sidoo kale munaasabadda xiritaanka tababarka ka qayb galay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi, Saraakiil ka socotay Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka qayb kamid ah bixinayay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa la hadlay Ciidanka Booliska Dableyda ee tababarka dhamaystay isagoo kula dar-daarmay in ay la yimaadaan karti iyo hufnaan, wuxuna tilmaamay in  Booliska Dableey  ay yihiin Ciidanka ugu horeeya ee laga arko dal iyo kartidiis maadaama ay iyagu u xil saaran yihiin soo dhaweynta madaxda Soomaaliya uga imaanaya Caalamka  iyo ilaalinta xarumaha Qaranka.

“Ciidanka maanta taba-barka aan u soo xirnay waa ciidan aqoon iyo karti lagu soo xulay, dhamaantoodna waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay inaan dhisno ciidan leh muuqaal qaran, kana go’an tahay difaaca dalkooda. Waxaana sharaf u ah dawladda Soomaaliya iyadoo taageero ka helaysa beesha Caalamka inay soo xirto tababarkaan oo soconayey mudo afar bilood ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankaan ay noqon doono kuwo soo celiya sharaftii iyo kala danbeyntii Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini  ayaa ku bogaadiyey saraakiisha tababarka dhameystay, wuxuuna tilmamay in saraakiishan saldhiga u yihiin aas-aaska ciidan Qaran oo lagu soo xulay aqoon iyo kartidooda gaar ka ah.

“Waxaan u mahad-celiyaan cid walba oo gacan ka geystay tababarka aad qaadateen, waxa la idinku soo xushay ee maanta la idiin saaray mas’uuliyadaas weyn waa difaaca dalkiina Hooyo, in aad ku soo biirtaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay tilmaam cad u tahay sida mar walba ay nooga go’an tahay inaan dib u dhisno ciidan leh tayo iyo tababar ku filan. Maanta laga bilaabo waxaad tihiin saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed, waana in ay idinka muuqataa masuuliyadaas idin saaran” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiir Diini ayaa wuxuu saraakiisha ku boorriyay in laga doonayo in ay si wanaagsan u hoggaamiyaan qeybaha lagu qoray  , isagoo xusay sidoo kale in  looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan ciribtirka kooxaha Nabad-diidka ah. Saraakiisha Tababarka dhamaystay ayaa lagu hor dhaariyey Wasiirka Gaashaandhigga, waxuna isla goobta ugu xiray min labo xidiggood.

—DHAMMAAD–

?????????????
?????????????
?????????????
?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????
?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

Previous Post

Todobaadka dhaqanka oo lagu soo gabo gabeeyay Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka “Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka “Sawirro”

Ra'iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka "Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In