Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir dowlaha Caafimaadka oo daah furtay ololaha tallaalka Dabaysha

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir dowlaha Caafimaadka oo daah furtay ololaha tallaalka Dabaysha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka HE Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa maanta daah furtay Barnaaamijka Derdergelinta Dadaallada Ciribtirks Cudurka Dabaysha.

Inta uu socdo wajiga 1aad ee Ololahaan waxaan talaal lagaarsiin doonaa ilaa tiro dhan 2,500,000 oo Carruur ah, kuwaas oo ku nool deeganada ilaa 11 Gobol oo dalka ah.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

Wasiiru Dowllaha,ayaa sheegtay in cudurkani uu beegsado dhallaanka yar oo ah udub dhaxaadka bulshada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

” Cudurka Ilaa hadda, 31 carruur ah oo aan waxba galabsan ayaa u naafoobay fayraska dabaysha. taas macnaheedu waa in ugu yaraan 31 qoys oo bulshadeenna ah ay la dhibaatoonayaan la tacaalidda masiibada carruurtooda ku habsatay (curyaamid joogta ah), iyadoo la heli karo tallaal waxtar leh oo ka hortagi kara cudurkan haddii carruurta loo dhameestiro tallaalka uu ubaahanyahay.”

Wasaaradda Caafimaadka oo gacan ka heleysa Hay’adaha Caalamiga ah, ayaa tallaalka iyo saadka kale u diyaarisay si tallaalka loo gaarsiiyo dhammaan carruurta Soomaaliyeed marka laga soo tago dadaallada tallaalka loogu keenayo qoysaska guryahooda jooga xilliyada ololaha tallaalka.

Waa inay jirto mas’uuliyad oo dhinaca qoysaska ah si loo hubiyo in carruurtooda la tallaalo ma aha oo kaliya inta lagu jiro ololaha laakiin sidoo kale inay carruurtooda geeyaan xarumaha caafimaadka si ay u qaataan tallaalada kale ee muhiimka u ah caruurta ee aan ahayn tallaalka dabaysha.

Soomaaliya waxay khibrad aad u wanaagsan u leedahay ciribtirka cudurka furuqa, ciribtirka fayraska dabeysha duurjoogta ah ee P1 waxayna xakameysay dillaacii hore ee cVDPV3. Aqoonta, khibradaha iyo agabka ayaa diyaar ah si loo joojiyo cudurka dabaysha ee hadda socda.

Waxa ugu muhiimsan waa in la sii xoojiyo iskaashiga Dowladda iyo Hay’adaha oo ay qaadaan tallabooyin mideysan. Soomaaliya waxa ay la timid qorshe cusub oo degdeg ah kaas oo looga faa’iidaysanayo in lagu taageero dadaallada kor loogu qaadayo xasaanadda carruurta laguna xoojinayo la socodka cudurka dabeysha. Istaraatiijiyadani waxay awood u yeelan doontaa inay xakamayso dillaaca dabaysha hal mar oo dhan. Haddii aynaan hadda wax ka qaban xaaladan dhammaan dadaallada waxay noqon doonaan kuwo aan qiimo lahayn.

Waxaa rajadaydu tahay in dhammaan daneeyayaasha oo ay ku jiraan qoysasku ay u guntadaan xakameynta dabaysha oo ay badbaadiyaan carruurta. Fariintaydu waa in aad gacmaha isqabsataan oo aad joojisaan xanuunkaan hadda.

Previous Post

Somali President holds a farewell meeting for former US Ambassador

Next Post

Ministry of Education opens High School National Exams

Next Post
Ministry of Education opens High School National Exams

Ministry of Education opens High School National Exams

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In