Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dowlaha W/Waxbarashada oo sheegtay xiliga la galaayo Imtixaanka Dugsiyada Sareee dalka 2023-2024

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir Dowlaha W/Waxbarashada oo sheegtay xiliga la galaayo Imtixaanka Dugsiyada Sareee dalka 2023-2024
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa Shaacisay xilliga u si rasmi ah u furmayo qorshaha lagu galayo Imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka ,waxaana la gali doonaa 22-ka bisha June,2024.

Tiradda ardayda la filayo in ay ka qeyb-galaan Imtaxaanka Qaranka ee dugsiyada sare ayey Wasaaradda Waxbarashada ku sheegtay Sanadkaan inay yihiin 37200 oo arday ay u qorsheysay in ay u fariistaan Imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka sida u qorshahu yahay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Imtaxaanka, ayaa furmaya 22-ka bishaan June ee aan ku guda jirno sida ay u xaqiijisay Warbaahinta Qaranka Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, iyadoo hoosta ka xariiqday in Sannadkaan ay Wasaaradda Waxbarashada Isbadal ay ku sameysay habka loo qaadayo Imtaxaanka,lana adkeyay Sharuucda qaadista Imtaxaanka,iyadoo intaas ku dartay in goobo horle markii ugu horeysay lagu qabanayo Imtaxaanka Dowladda oo ay ka mid yihiin deegaanadda laga xoreyay Khawaajirta.

”Imtaxaanku wuxuu bilaabanayaa dabayaaqada bishaan June oo ku beeggan 22-keeda bisha lixaad ee sannadka 2024,sannadkaan waxaa ka qeyb -gali doona 37200 oo arday oo guud ahaan dalka oo dhan ah,wasaaradda waxaa masuuliyad ay ka saaran tahay in ay diyaariso Imtaxaanka oo ay ku gaarsiiso si nabad ah,goobihii Imtaxaanadka lagu galayo ee dalka oo dhan ah,gobolka Banaadir iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.”

Previous Post

Guddoomiyaha BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq

Next Post

Gollaha Wasiirrada oo meelmariyay Heshiis Iskaashi wada yesheen Dowladaha Soomaaliya iyo Norway 

Next Post
Gollaha Wasiirrada oo meelmariyay Heshiis Iskaashi wada yesheen Dowladaha Soomaaliya iyo Norway 

Gollaha Wasiirrada oo meelmariyay Heshiis Iskaashi wada yesheen Dowladaha Soomaaliya iyo Norway 

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In