Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarriisow) ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhiiri gelineyso dadka hal abuurka leh ee doonaya inay dalkooda wax cusub ku soo kordhiyaan.
Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 11 guurada ka soo wareegtay marka la aas aasay shirkadda SOSTEC oo qaabilsan bixinta adeegyada Teknoloojiyada casriga ah ayaa sheegay in dhallinta Soomaaliyeed looga baahanyahay inay noqdaan kuwa hal abuur leh oo dalka wax ku soo kordhiya.
Eng Yarriisow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee leh hal abuurka inay ka qeyb qaataan horumarinta dalkooda, oo ay noqdaan kuwa banaanka soo dhiga hal abuurkooda, si ay uga faa’iideystaan dhallinyarada.