Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib u xeshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa ku baaqay in hogaamiyaasha dhaqanka ay hormuud ka noqdaan dagaalka ay iclaamiyeed dowladda ee looga hortagayo kooxaha argagixisada.
Wasiirka oo ka qeybgalay Kulanka Todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay lagama maarmaar tahay In dadka laga talogaliyo sidii la isaga qaadi lahaa waxyeelada kooxaha argagixisada ee ay ku haya dadka iyo dalka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dowladda uu salka ku hayo sidii odayaasha dhaqanka ay u muujin lahaayeen doorka kaga aadan soo celinta xasiloonida iyo guud ahaan horumarka dalka.
Wasiirku,waxa uu qeybaha bulshada iyo dhaqankooda ka codsaday in la iska dulqaado dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ee galaaftay nolosha dadka iyo horumarada kale.