Kulankaan oo lagu turxaan bixinayay sharciga hay’addaha aan dowliga ahayn, ayaa Wasiirka Qorshynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqalaha iyo howl-wadeenada wasaaradda la qaatay Gddiga Maaliyadda , Qosheynta iyo la xisaabtanka hay’addaha dowliga ah ee horyaalo golaha shacabka.
Guddiga iyo wasaaradda ayaa si qoto dheer u eegay turxaan-bixinta sharciga hay’adaha aan dowliga ahayn oo muhiimad weyn leh wadankeena.
Agaasimaha xalka –waara ee wasaaradda Qorsheynta Marwo Sahra Cabdi Maxamed ayaa guddiga u sharaxday qeybaha sharciga uu ka kooban yahay iyo muhiimada ku dul xusan ee faa’iidada u leh dalkeena.
Guddoomiyaha guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo la Isxaabtanka hay’yaddaha dowliga ah, Marwo Aaamino Shiekh Cusmaan ayaa boggaadisay wasaaradda hanaanka ay u diyaarisay sharcigan, ayna diyaar u yahiin waajibaadkooda dastuuriga ay ka gutaan sharciga isla amarkaana golaha shacabka u ansixiyaan hindise sharciyeed oo mudnaan weyn ugu fadhiyo wadankeena.
Wasiirka wasaaradda qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka jawaabay su’aalo ay soo jeediyeen xildhibaanada oo ku aadanaa sharcigan, Wasiirka ayaa sharaxad dheeri ah la wadaagay sharciga isla amrkaana qiray in dowladda iyo umadda Soomaaliyeed ahmiyadd weyn ugu fadhiyo Sharcigan Marka Golaha meel-mariyo.
“‘hadda waxaa gacanteena ku jiro mustaqalka umadda iyo wadanka tasoo ah in manata gacanta ku hayno sharcigii horumar gaarsiin lahaa, dakhliga dowladana kobcinayo, fursado shaqano u abuurayo dadkeena oo shaqa la,aan ahayso, sidoo kale waxa uu sharcigan si cad u qeexayaa in la ogaado hay’add walbo waxa ay qabanayso iyo meelaha ay ka shaqeyso waqti walbo ayuu horseedayaa sharcigan”