Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka amniga oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dalka Ukraine+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku xigeenka amniga oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dalka Ukraine+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya,mudane; C/naasir Siciid Muuse , ayaa Dalka Yukurayn (Ukraine), kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Dalkaasi.

Wasiir C/naasir Siciid, ayaa laamaha ammaanka ee Dalka Ukraine kala hadlay sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen xiriir cusub oo ku aaddan ka wada shaqaynta arrimaha nabad gelyada, baabi’inta walxaha qarxa, Miino baarista, ka hor tagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale Dalka Ukraine kula kulmay, Jaaliyadda Soomaaliyeed oo u badan Arday wax ka barata Jaamacadaha halkaasi ku yaalla, isagoo uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka, horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka, sida dhaqaalaha, arrimaha Bulshada, siyaasadda iyo amniga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya, C/naasir Siciid Muuse, ayaa Soomaalida ku nool Ukraine ku dhiirri geliyay in ay dib ugu soo laabtaan Dalkooda Hooyo, kana qeyb qaataan dib u dhiska Dalka.

SHARE
Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhallinarada Gaalkacyo Kala Hadlay Dhamaystirka Hey’adaha Dowladeed ee Galmudug

Next Post

R/Wasaare Kheyre “Hadii dadkeenna dalkaan usoo dhibaatoobay oo xirriyadda nagu wareejiyay aanan qiimeyn macnaheedu waxa ay tahay in dalka aanan qiimeyn”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Addunka

R/Wasaare Kheyre “Hadii dadkeenna dalkaan usoo dhibaatoobay oo xirriyadda nagu wareejiyay aanan qiimeyn macnaheedu waxa ay tahay in dalka aanan qiimeyn”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In