Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo ka qeybgalay daahfurka daraasadda sare Jaamacadda Al-Hilaal “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 15, 2015
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo ka qeybgalay daahfurka daraasadda sare Jaamacadda Al-Hilaal “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb  galay munaasabad ku saabsan daahfurka daraasadda sare ee Jaamacadda oo ay iska kaasahnayaan Jaamacadaha Al-Hilaal iyo Al-Butana ee dalka Sudan, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda daahfurka Jaamacadda daraasadda sare ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda, madaxda Jaamacadaha Al-Hilaal iyo Al Butana, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Hormuudka Jaamacadda Al-Hilaal Dr Ibraahim Sheekh Cabdiwaaxid oo munaasabadda daahfurka daraasadda sare ee Jaamacadda ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacaddu ay heshiis ku saabsan heerka labaad ee Jaamacadda la gashay madaxda Sare ee Jaaamacadda Al-Butana, kaasi oo uu ku sheegay in ardayda ay uga maarmi doonaan in daraasadda sare ay u aadan dalka Dibadiisa.

“Muhiimadda aan maanta isugu nimid ayaa waxa uu yahay in aan ka faa’ideysano hadiyadda qaaliga ah ay noogu deeqeen Walaalaheena reer Sudan, gaar ahaan Jaamacadda Al-Butana, waxaad ogtihiin sida uu xiriiriyaha ka dhawaajiyay, Sudan 20-kaan sano aad bay noo garab qatay, waxaa ka mid ah garab qabashadeyda, Sudan waxa ay ahayd dowladdii ugu horeysay ee aqoonsata daladaha waxbarasho ee dalka, taasi oo sabab u noqotay in la helo kaadiriin xambaarsan taqasusaad kala duwan” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaamacadda Al-Hilaal.

Prof Anwar Axmed Ciise Raashid oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Al-Butana ee dalka Sudan ayaa sheegay in arrintan ay fursad u tahay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata gudaha dalka, isla markaana ay dhawaan bilaabi doonaan daruusta ku saabsan heerka labaad ee Jaamacadda.

“Aniga iyo Dr bashiir Axmad yuusuf  oo ah diinka kuliyada diraasaadka sare  aad ayaan u farax sanahay, adinka maanta waxaad  marti u tiihiin Jaamacadaan ee Jaamacada  hilaal, aniga halkaan kuma cusbi, waxaan joogay 2004 waxaana baro ka ahaa Jaamcadda Muqdisho, sidoo kale waxaa jiro arbadan oo Soomaali ah jamacadaha suudaan dhigtaan, waxa ayna gaarayaan 6 kun oo arday, marka loo fiiriyo kuweynaan hadda inta jooga aad ayay ugu badan yihiin”.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Cali Kadiye ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Sudan ay mar waliba garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo maamulka sare ee Jaamacadda Al-Hilaal ugu hambalyeeyay guusha ay u soo hooyeen ardayda Sooamaliyeed.

“Waxaa leeyahay marka ugu horeyso Hambalyo Jaamacadda Al-Hilaal oo runtii maanta daah fureysa programme-ka post graduate oo ay la soo gashay heshiis Jaamacadda Al-Butana ee ku taalla dalka Sudan, runtii waxbarashada qiimaha ay leedahay dad badan ayaa ka hadlay, aadbayna muhiim u tahay, sababtoo ah, post graduate waxaa loo aadi jiray dibadda, mar haddii dalka loogu keenay, waxaan ku boorinayaa inay ka faa’iideystaan, sidii ay uga miri dhalin lahaayeen hadafkooda, xiriirka Jaamacaddana waxaan leeyahay xoojiya, dowladda iyo shacabka Sudan waan u mahadcelinayaa qiimaha gaarka ah ee ay siinayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

IMG_0706 IMG_0685 IMG_0687 IMG_0688 IMG_0690 IMG_0691 IMG_0692 IMG_0693 IMG_0695 IMG_0697 IMG_0699 IMG_0700 IMG_0701 IMG_0702 IMG_0703 IMG_0704 IMG_0705 IMG_0706 IMG_0707 IMG_0708 IMG_0709 IMG_0712 IMG_0713 IMG_0714 IMG_0716 IMG_0719 IMG_0720 IMG_0722 IMG_0723 IMG_0724 IMG_0725 IMG_0727 IMG_0729 IMG_0730 IMG_0734 IMG_0740 IMG_0742 IMG_0736 IMG_0743 IMG_0744 IMG_0745 IMG_0748 IMG_0752 IMG_0754 IMG_0761 IMG_0762 IMG_0770 IMG_0772 IMG_0773 IMG_0775 IMG_0777

Previous Post

Wasaaradda Xanaanad Xoolaha oo bilowday mashruuc looga hortagayo xaalufinta  dhirta

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay munaasabad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay munaasabad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay munaasabad ku saabsan soo nooleynta dhaqanka “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In