Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sahra Yuusuf Cige iyo wafdi ay hoggaaminayso, ayaa wadanka Djibouti kaga qaybgalay shirka Wasiirada Wadamada Midowga Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo ansixinayeen Strategyada Sugnaanta iyo Nafaqada Cuntada 2025-2034.
Soomaaliya, ayaa door muhiim ah ka qaadatay Intii uu socday shirkan oo galay maalinkiisa labaad, waxaana lagu ansixiyey qorshayaal muhiim ah oo lagu meel mariyay qorshe-hawleedka Sugnaanta iyo Nafaqada Cunnada ee Ururka Gobolleedka IGAD sannadka 2025-2034.
Kulankaan ayaa sii adkeeyndoono iskaashiga wadamada xubnaha ka ah ururka si loo xoojiyo dadaalada loogu jiro Sugnaanta iyo Nafaqada Cuntada.