Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Kubadda Cagta ah oo Balcad lagu soo gab-gabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Tartan Kubadda Cagta ah oo Balcad lagu soo gab-gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isboortiga iyo dhallinyarada Mudane Cismaan Aadan Dhuubow iyo wafdi uu horkacayay ayaa socdaal shaqo ku tegay degmada Balcad, isagoo u kuurgalayay heerka is dhex gal  ee  dhallinyada ku nool degmadaasi.

Tartan kubadda cagta oo loo qabtay afar kooxood oo ka kala yimid degmooyinka Afgooye, Jowhar iyo labo koox oo ka socotay degmada Balcad, waxaana kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay tartankaas labadii koox ee ka socday Balcad.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Intaas kadib ayaa munaasabad lagu qabtay xarunta Degmada oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin iyo dadweynaha degmadaas waxa ay ku soo bandhigeen fanaaniinta barbaarta degmada Waaberi ee gobolka Benaadir Ruwaayad iyo heeso ka turjumayay joojinta tabriinka iyo wax soo saarka dalka.

Guddoomiyaha degmada Balcad Maxamud Maxamed  “Saney” oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in dhallinyarada degmada Balcad ay yihiin kuwo ku xiran maamulka degmada.

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in degmada Balcad ay ka mid tahay magaalooyinka taariiqda kuleh isboortiga dalka, isagoo Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga ka codsaday in ay ka taagerto agabka ay u baahan yihiin dhallinyarada ku nool degmada Balcad.

“Waxaad ogtihiin in degmadaan ay ka mid tahay degmooyinka taariiqda ku leh isboortiga Soomaaliya waxaa halkaan ka dhisnaa jiray naadigii Somali-tex oo aad ogtihiin heerkii ay  gaartay, waxaan kaloo codsanaynaa in Wasaaraddu ay dhallinyarada degmadaan ay u sameyso agabka ay u baahan yihiin”ayuu yiri Xildhaan Qaasim.

Wasiir ku-xigeen ka Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa balan qaaday in dhallinyarada degmada Balcad ay ka caawin doonaan sara u qaadida isboortiga degmada,.

“Waxaan ka taageeri doonaa dhallinyarada degmadaan in ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Wasaaradda iyo in la helo cayaartooy tayo leh oo Qaranka heer sare gaarsiiyo, waxayna noqon doonaan kuwo magac sameeyo”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Isboortiga.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

NISA: waxaan dilnay hoggaamiyihii Amniyaatka Alshabaab

Next Post
Barnamijka, Falanqaynta Ciyaaraha oo looga haddlaayay Xiriirka Cusub ee Kubadd Cag yaraha Soomaaliyeed” Dhagayso”

NISA: waxaan dilnay hoggaamiyihii Amniyaatka Alshabaab

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In