Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Kubadda Cagta ah oo Balcad lagu soo gab-gabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Tartan Kubadda Cagta ah oo Balcad lagu soo gab-gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isboortiga iyo dhallinyarada Mudane Cismaan Aadan Dhuubow iyo wafdi uu horkacayay ayaa socdaal shaqo ku tegay degmada Balcad, isagoo u kuurgalayay heerka is dhex gal  ee  dhallinyada ku nool degmadaasi.

Tartan kubadda cagta oo loo qabtay afar kooxood oo ka kala yimid degmooyinka Afgooye, Jowhar iyo labo koox oo ka socotay degmada Balcad, waxaana kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay tartankaas labadii koox ee ka socday Balcad.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Intaas kadib ayaa munaasabad lagu qabtay xarunta Degmada oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin iyo dadweynaha degmadaas waxa ay ku soo bandhigeen fanaaniinta barbaarta degmada Waaberi ee gobolka Benaadir Ruwaayad iyo heeso ka turjumayay joojinta tabriinka iyo wax soo saarka dalka.

Guddoomiyaha degmada Balcad Maxamud Maxamed  “Saney” oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in dhallinyarada degmada Balcad ay yihiin kuwo ku xiran maamulka degmada.

Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in degmada Balcad ay ka mid tahay magaalooyinka taariiqda kuleh isboortiga dalka, isagoo Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga ka codsaday in ay ka taagerto agabka ay u baahan yihiin dhallinyarada ku nool degmada Balcad.

“Waxaad ogtihiin in degmadaan ay ka mid tahay degmooyinka taariiqda ku leh isboortiga Soomaaliya waxaa halkaan ka dhisnaa jiray naadigii Somali-tex oo aad ogtihiin heerkii ay  gaartay, waxaan kaloo codsanaynaa in Wasaaraddu ay dhallinyarada degmadaan ay u sameyso agabka ay u baahan yihiin”ayuu yiri Xildhaan Qaasim.

Wasiir ku-xigeen ka Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa balan qaaday in dhallinyarada degmada Balcad ay ka caawin doonaan sara u qaadida isboortiga degmada,.

“Waxaan ka taageeri doonaa dhallinyarada degmadaan in ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Wasaaradda iyo in la helo cayaartooy tayo leh oo Qaranka heer sare gaarsiiyo, waxayna noqon doonaan kuwo magac sameeyo”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Isboortiga.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

NISA: waxaan dilnay hoggaamiyihii Amniyaatka Alshabaab

Next Post
Barnamijka, Falanqaynta Ciyaaraha oo looga haddlaayay Xiriirka Cusub ee Kubadd Cag yaraha Soomaaliyeed” Dhagayso”

NISA: waxaan dilnay hoggaamiyihii Amniyaatka Alshabaab

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In