Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baraawe ka furay tabar ku saabsan xog aruurin lagu sameynayo qeybaha ganacsiga ee ka jira Degmada Baraawe.
Furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka qeybgaley Guddoomiyaha Degmada Cumar Cabdullaahi Maxamed iyo qaar ka mid ah gudiga Maaliyadda Golaha deegaanka ee Degmada Baraawe ee caasimadda Koonfur Galbeed.
Tababarka oo uu furey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudude Qaasim Maxamed Abuukar ayaa diiradda lagu saarayey xog aruurin lagu sameynayo qeybaha kala duwan ee ganacsiga ka jira Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose
Wasiir Qaasin Maxamed Abuukar oo la hadlay Warbaaahinta Qaranka ayaaa sheegay in tababarkan looga gol’leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaaa dakhliga gudaha iyo uruurinta xogta ganacsiga degmada taasi oo loo marayo hanaan casri ah.
Xog aruurintan ayaa socon doonta Muddo 8 cisho ah, iyadoo ay ka faaiideysan doonaan 6 xubnood oo Wasaaraddu ay u soo xushay.
Dhankale Wasiir qaasim Maxamed ayaa sheegay inuu kormeer uu ku sameysay goobaha lagu uruuriyo canshuurta Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Baraawe, si uu ugu kuurgalo howlaha canshuur aruurinta ee Kastanka Baraawe ee hoostaga Wasaaradda.