Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiir ku-xigeenka shaqada oo kulan la qaatay guddi loo xilsaaray dabagalka shaqaalaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka shaqada oo kulan la qaatay guddi loo xilsaaray dabagalka shaqaalaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka uu la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada  Xukuumadda Soomaaliya guddiga loo xilsaaray daba galka dhaqan gelinta wareegtadii Ra’iisul wasaaraha ee ahayd in shaqaalaha dowladda ay shaqada yimaadaan sideeda subaxnimo kana baxaan tobanka galabnimo ayaa ka qabsoomay xafiiska Wasiir ku-xigeenka, waxaana looga hadlay dhowr arrimood oo la xiriira shaqaalaha dowladda iyo in la hubiyo waqtiga shaqo galka.

Guddigaan ayaa shaqadooda daba galka iyo hubinta waqtiga shaqaaluhu soo galayaan shaqada waxa uu ka bilaabay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, waxaana uu guddigaasi mid mid u tegi doonaa Wasaaradaha.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa u sheegay guddigga in uu Xukuumadda u gudbin doono daruufaha badan ee shaqaalaha haysta.

“Waxaan ka wada hadalnay oo aan xoogga saarnay in maadaama shaqaaluhu shaqo galayaan 8:00 subaxnimo kana baxayaan shaqada 4:30 galabnimo in Miis qado loo sameeyo shaqaalaha sidoo kale waxaan isla soo qaadnay in la shaqo geliyo shaqaalaha oo 80% aan lagu shaqeyn in la shaqo galiyo” ayuu yiri mid ka mid ah guddigan howshan loo xilsaaray.

Gudigga ayaa sidoo kale waxaa uu kormeer ku tegay Wasaaradaha Howlaha Guud, Boostada iyo Hay’adda badaha Soomaaliyeed, waxaana ay hubinayeeen sida loo dhaqan geliyay wareegtada Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka oo u hambalyeeyay ciidanka Xoogga dalka

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo wacad ku maray in aan loo dulqaadan doonin jidgooyo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo wacad ku maray in aan loo dulqaadan doonin jidgooyo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo wacad ku maray in aan loo dulqaadan doonin jidgooyo "SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In