Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka shaqada “Dib u dhis ayaan ku sameyneynaa xaruntii tababarka Farsamada Warshadaha”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka shaqada “Dib u dhis ayaan ku sameyneynaa xaruntii tababarka Farsamada Warshadaha”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumada Soomaaliya oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo xubno kale ayaa kormeeray xaruntii tababarka Farsamada Warshadaha ee Xero Jermal, xarunta dhaqan celinta oo u dhaw isbitaal Digfeer iyo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xarumaha uu kormeerka ku tegay ayaa ah kuwa uu sameeyay bur burkii dalka, waxaan uu wasiir ku-xigeenku xusay in Wasaaradda ay waddo qorshe dib u dayactir loogu sameynayo xarumaha

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in ujeedka kormeerkiisu ay tahay dib u soo nooleynta xarumihii Wasaaradda, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

“Soo nooleynta xaruntiii tabababrada farsamada Warshadaha ayaad wadnaa, si dhallinyarada shaqo abuur loogu sameeyo, waayo halkan dhallinyarada ayaa lagu bari jiray farsamooyin ay ku shaqeystaan” ayuu yiri Cismaan Libaax oo hadalkiisa ku daray “Xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka naafada oo aan joogno sidoo kale waxaan qorsheyneynaa in aan dib u dayactirno, waxaana jira hay’ado naga caawinaya sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa xaruntan, naafaduna waxaan u rejeynayaa in ay ka faa’iideysan doonaan xarunta marka dib u habeyn lagu sameeyo”.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Yemen oo Lix bilood kaddib ku laabtay dalkiisa

Next Post
Madaxweynaha Yemen oo Lix bilood kaddib ku laabtay dalkiisa

Madaxweynaha Yemen oo Lix bilood kaddib ku laabtay dalkiisa

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In