Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xiray Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad tababar loogu soo xirayay gabdho suxufiyiin ah oo gaaraya ilaa 15, lana barayay sidii xirfadooda suxufinimo kor loogu qaadi lahaa ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Aadan Isxaaq Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda oo uu kamid yahay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradad Cabdiraxmaan Maxamed.

Tababarkan oo la xiriiray barashada Xirfadda filim qaadista ayaa waxa uu gabdhaha suxufiyinta ah u socday muddo 10 maalmood ah, iyadoo ay iska kaashanayeen Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (SWJ) iyo safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo ay fududeysay warbaahinta (Horn connect), waxaana dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabadda ay ku bogaadiyeen gabdhahaasi sida ay uga go’antahay in kaalintoodi ay ka qaataan howlaha warbaahineed ee dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Farxiyo Maxamed Khayre oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay wax badan kaga fursad badan yihiin ragga marka loo fiiriyo in la helo macluumaad rasmi ah oo ku saabsan nolosha haweenka, xaaladahooda nololeed iyo daruufaha ku gedaaman intuba, iyadoo ku dhiirigelisay gabdhaha tababarka loo soo xiray in ay ka mirro dhaliyaan himilooyinka ay hiigsanayaan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Aadan Isxaaq Cali oo tababarka soo xiray ayaa kula dardaarmay gabdhaha suxufiyiinta ah in ay ku dadaalaan sidii xirfadda ay barteen ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda.

Wuxuu sidoo kale Wasiir Aadan uga mahadceliyay safaaradda Mareykanka doorkii ay ka qaadatay fududeynta tababarkani oo hindisihiisu ay lahaayeen Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Marka laga hadlayo hawlaha Warbaahinta ee dalka sanadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dowrka gabdhaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin arrimaha saxaafadda, iyadoo tababarada nuucaani oo kale ay dhiirigelin u tahay gabdhaha niyad ahaan iyo shaqo ahaan intuba.

Previous Post

Sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinta Soomaaliyeed oo laga hadlay

Next Post

Wasaaradda Awqaafta oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo gunaanudayay howlihii Xajka “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Awqaafta oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo gunaanudayay howlihii Xajka “SAWIRRO”

Wasaaradda Awqaafta oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo gunaanudayay howlihii Xajka “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In