Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa caawa si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkii lixaad barnaamijka ay taaba galineyso Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Guddoomiye ku-xigeenada howlaha guud iyo Arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimaha Radio Muqdisho.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in tartan cilmiyeedka uu yahay mid loo qabto Gobollada dalka iyo 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana ay caawa ku tartami doonaan Degmooyinka Kismaayo oo difaacaneysa tartanka kana tirsan Gobolka Jubbada Hoose iyo Boondheere oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

“Halkan aqoon ayaa la isku weydaarsadaa, dadyow kala duwan ayaa isku barta, waxaan rajeynayaa in uu si nabad ah noogu dhamaado sida sanadkii hore oo kale” ayuu yiri Agaasime Cabdifataax Daahir Jeyte.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaalla ayaa sheegay in tartankan uu soo maray marxalado kala duwan, waxaana uu xusay in ujeedka tartanka yahay in ay ka faa’iideystaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan oo ay kororsadaan cilmi.

“Faa’iidooyin badan ayaa Barnaamijkan laga dhexlay, waxaana la ogaaday in barnaamijkan uu xoogga saarayo barashada taariikhda dalka, waxaan hortiina uga mahadcelinayaa howlwadeenada Wasaaradda oo u istaagay in uu taabo galo tartanka, isla markaana ka soo shaqeeynayay muddo fog.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banadir Aadan Sheekh Cali Fiidow oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in lagu tartamayo aqoon, loona baahanyahay ka qeyb galayaasha inay maskaxdooda maalaan, waxaana uu Madaxda iyo howlwadeenada Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan guddiga tartanka uga mahadceliyay hannaanka ay u soo diyaariyeen.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo agaasimeyaasha Wasaaradda Warfaafinta uga mahadcelisay qabsoomidda barnaamijka tartan cilmiyeedka, waxaana ay si gaar ah labada degmada ee ku tartamaya u rajeeysay inay guuleystaan, sanadkan kiisa xigana ay ku gaaran horumar.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Aadan Isaaq oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha Ramadaan, waxaana uu Alle ka baryay in Soomaaliya uu Alle dhibaatada ka qaado, bulshaduna ay is cafiyaan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa xusay in barnaamijka uu yahay mid wacyi gelin ah oo bulshada lagu barayo taariikhdooda, waxaana uu intaa ku daray inay joogteyn doonaan barnaamijyada nuucaani oo kale ah.

“Sharaf weyn ayay noo tahay inaan daah furno tartan cilmiyeedka, tartanka oo ay Warbaahinta Qaranka u qabato 17-degmo  ee gobolka Banaadir iyo Caasimadaha Gobollad dalka, kaasi oo ujeedkiisu yahay in ay bulshada ka faa’iiddo aqoon, waxaan u mahadcelinayaa Maamulka Gobolka Banaadir oo suurta geliyay in uu qabsoomo, tartamayaasha waxaan kula dar daarmayaa inay soo bandhigaan aqoontooda, iyadoo ay ku jirto si aqlaaqleh” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Tartankii ugu horeeyey ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan ayaa waxaa caawa lagu daah furay tartameyaasha degmooyinka Kismaayo iyo  Waaberi oo ka kala tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

Previous Post

Xeerka Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed 2019

Next Post

Tartamaayasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamaayasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamaayasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In