Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo Khudbad ka jeediyay shirka 45-aad ee “OIC”+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo Khudbad ka jeediyay shirka 45-aad ee “OIC”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud oo shirka dalalka ku midoobay Ururka Iskaashiga Islaamka “OIC” uga qeyb galay magaalada Dhaka ee dalka Bangaladesh ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka jeediyay shirkaasi.

Shirka ayaa sanadkaan diirada lagu saaray arrinta Qaxootiga Muslimiinta Rohingya,shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi ka kala yimid 28-dal oo ku mideysan Ururka.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa marka hore uga mahad celiyay Dowladda Bangaladesh Hoggaaminta iyo qaban qaabada wanaagsan ee shirkan,isagoona sidoo kale muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin isaga iyo wafdigiisa soo dhoweynta diiran ee Dowladda Bangaladesh u sameysay.

Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa khudbada uu ka jeediyay shirka 45-aad ee Wasiirada arrimaha dibada dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka “OIC” ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhaka ku soo hadal qaaday Fatahaadii ugu danbeysay ee ka dhufatay dalka,taasi oo saameyn ku yaalatay magaalooyinka iyo tuulooyin badan oo ku yaalo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,wuxuuna carabka ku dhuftay in Fatahaada ay sababtay khasaaro isugu jira naf,maal iyo bur bur intaba.

Wuxuuna Wasiirka ku-xigeenka arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq u jeediyay Wadamada walaalaaha iney caawiyaan dadka ku sugan deegaanada ay Fatahaada saameysay.

Sidoo kale,Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya Horumaro dhinacyo badan leh ku tallaabsatay ka dib doorashadii 8-dii February ee sanadkii hore laguna doortay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo magacaabista Ra’iisal Wasaaraaha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,wuxuuna sheegay in Dowladda Xoogga saartay dhismaha Hay’adaha dastuuriga,dib u heshiisiinta,sidoo kalena waxay la dagaalantay Masuq maasuqa iyo Kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Ugu danbeyntii,Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay Dowladda Bangaladesh sida Mas’uuliyad leh ay isaga xil saartay qaabilaada ku dhawaad Hal Milyan oo Muslimiinta Rohingya ah oo Xididada looga soo siibay dalka Myanmar ka dib xasuuq halkaasi loogu geystay.

Magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangaladesh ayaa markii labaad waxay marti gelisay shirka Wasiirada arrimaha dibada ee Ururka iskaashiga islaamka,waxayna markii ugu horeysay oo shirkan ay marti geliso ay ahayd sanadkii 1983.

Previous Post

Xaflad lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacday Dalka Mareykanka+Sawirro

Next Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo booqday deegaanada Gobolka Gedo ee Fatahaadu ay saameysay+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka dalka oo booqday deegaanada Gobolka Gedo ee Fatahaadu ay saameysay+Sawirro

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo booqday deegaanada Gobolka Gedo ee Fatahaadu ay saameysay+Sawirro

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In