Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Wasiir Xuseen ayaa hoggaaminaya wafdi balaaran oo ka qayb galaya qiimeynta iyo xoojinta ka qaybgalka maamul goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee hirgelinta Qorshaha Qaran ee wax ka- qabashada Isbeddelka Cimilada (NDC 3.0), kaas oo diiradda lagu saarayo la socodka, wadatashiga, iyo hirgelinta ballan qaadyada cimilada ee Soomaaliya.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay ku xoojinayso iskaashiga dowlad goboleedyada, si loo xaqiijiyo fulinta qorshayaasha qaran ee la xiriira la-qabsiga iyo yaraynta saameynta isbeddelka cimilada.

















