Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud oo Furay Shirka Wada-tashigga Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed+Sawirro.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud oo Furay Shirka Wada-tashigga Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed+Sawirro.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan oo socon doono Muddo seddex maalin ah ayaa waxaa diiradda lagu
saari doonaa dhameystirka Wada-tashiga Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed, Xoojinta Wada-shaqeynta Wasaaraddaha Howlaha guud ee heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Howlaha guud ee XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow iyo Masuuliyiin kale.

Qaab dhismeedka Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed oo ka kooban Sagaal Xubnood ayaa Agaasimaha guud ee wasaaaradda Howlaha guud Mudane Axmed Maxamed Imaan waxa uu ka  warbixiyay heerarka uu soo maray shirkaan iyo ahmiyadiisa.

Related posts

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026

“Sharciga Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka, waxaa ka shaqeyneynaa siddii loo soo gabo-gabeyn lahaa shaqadiisa, Waana Sharci muhiim u ah dalka” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud eeXFS.

Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Xasan Cismaan ayaa sheegay in si dhow ay uga wada shaqeynayaan siddii loo dhameystiri lahaa dhismaha Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed.

“Annaga iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada si fiican ayaan u wada shaqeynaa, haseyeeshee sharcigaan marka uu noqdo mid rasmi ah waxaa uu ka mid noqon doonaa kaabayaasha Dhaqaalaha dalka iyo inay dhismaan wax lagu kalsoon yahay” ayuu yiri Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Howlaha Guud XFS.

Hay’adda Qaran ee jidadka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah Hay’addihii ku bur-buray
dagaaladii dalka ka dhacay, waxaana haatan mar kale uu hor-yaalaa
Golaha Shacabka Barlamaanka oo ay ka dhiman tahay Akhrinta Seddexaad iyo meel
marintiisa, iyaddoo Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska XFS ay wado la-
tashi lala sameynayo Hay’addaha Dawladda ee heer Federaal iyo Heer Dowlad
Goboleed.

 

          

Previous Post

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo diyaarad siday gargaar gaarsiisay Magaalada Baardheere.

Next Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Guddiga Waxbarashada Gobolka Hiiraan+Sawirro

Next Post
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Guddiga Waxbarashada Gobolka Hiiraan+Sawirro

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Guddiga Waxbarashada Gobolka Hiiraan+Sawirro

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

January 26, 2026
0

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga...

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In