Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ku-xiggeenka Warfaafinta oo soo xiray tababar diiradda lagu saarayay ka hor-tagga qataraha ay wajahaan Saxafiyiinta “War-saxaafadeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Ku-xiggeenka Warfaafinta oo soo xiray tababar diiradda lagu saarayay ka hor-tagga qataraha ay wajahaan Saxafiyiinta “War-saxaafadeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa soo xirey maanta tababar muddo labo maalin ka socdey magaalada Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saarayay siddii looga hortagi lahaa qataraha iyo dhibaatooyinka ay wajahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo doorka ay qadanayaan guddiga ka shaqeeyo arrimaha badqabka saxafiyiinta.

Tababarkaan oo ahmiyad weyn u leh bahda Suxufiyiinta ee ka howgalo dalka, ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kaashaneyso Hay”adda UNESCO, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 11 Qodob.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Halkaan hoose ka Akhriso War-Murtiyeedka

WAR-MURTIYEED

Isniin: 16 September 2019: Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Aqoonisweydaarsi muddo laba maalmood ah socday, oo la xiriiray aasaasidda Nidaamka Dabagalka iyo ka Warbixinta Badqabka Saxafiga Soomaaliyeed iyo xukun ku qaadis la’aan ku gaboodfalayaasha Saxafiyiinta.

Ka qeybgalayaasha aqoon-isweydaarsiga, ayaa isugu jiray xubnaha Guddiga Badqabka Saxafiyiinta iyo daneeyayaasha, oo ay ka mid ahaayeen hey’adaha dowladda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee Wasaaradaha Warfaafinta, Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha iyo Xafiiska Xeer Ilaaliya guud ee qaranka, Xubnaha Saxaafadda gaarka loo leeyahay iyo ururada bulshada rayidka ah.

Ka qaybgalayaasha, ayaa gabagabadii kulanka soo saaray War murtiyeed ku aadan sidii loo dardargalin lahaa howlaha Guddiga Badqabka Saxafiga Soomaaliyeed.

  1. Waxaa la isla qaatay in la adeegsado Habraaca UNESCO ee Dabagalka iyo Ka warbixinta badqabka saxafiyiinta si loo uruuriyo xogaha la xiriir xadgudubyada ka dhanka Saxafiyiinta.
  2. Waxaa lagu talinayaa in Guddiga Badqabka Saxafiyiintu uu soo saaro warbixintiisa ugu horeysa ee sanadka ee badqabka saxafiga iyo xukun ku qaadis la’aan ku gabood-falayaasha Saxafiyiinta ka hor 2-da bisha November 2019, oo ah maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda xukun ku qaadis la’aan ku gabood-falayaasha Saxafiyiinta.
  3. Waxaa laga codsanayaa hey’adaha dowladda ee heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed in ay kala shaqeeyaan Guddiga Badqabka Saxafiga sidii uu u gudan lahaa howlaha horyaalla.
  4. Waxaa lagu taliyay in laga codsado Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in dacwad ooge u gaar ah uu u xil saaro dacwadaha la xiriira saxaafadda iyo suxufigaba.
  5. Waxaa loogu baaqay Guddiga Badqabka Saxafiga in uu hormuud ka noqdo xaqiijinta tababarada Badqabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwo tayo leh, oo waxtara Saxafiyiinta dalka.
  6. Waxaa lagu talinayaa in Guddiga Badqabka Saxafiyiinta loo sameeyo sharcigii lagu aasaasi lahaa si uu u noqdo Guddi Qaran, laguna daro guddiyada madaxa bannaan ee Dastuuriga ah ee dalka, ee ay aasaasayaan qodobada 110 iyo 111 ee Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
  7. Waxaa la soo jeedinayaa in la dardargaliyo ansixinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqdaha Aadanaha.
  8. Waxaa lagu baaqayaa in la dardargeliyo dhameystirka ansixinta Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed.
  9. Waxaa loo soo jeedinayaa hey’adaha Warbaahinta dalka in ay taageeraan ololaha UNESCO #RuntuMarnaMaDhimato #TruthNeverDies, kaasoo ah olole lagu dhiirigelinayo xuska saxafiyiinta la dilo, oo ay sameeyaan barnaamijyo iyo maqaallo muujiya shaqooyinkii ay soo qabteen.
  10. Waxaa loo soo jeedinayaa Wasaaradaha Cadaaladda iyo Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha in ay qeyb ka noqdaan Protocol-ka Maxkamadda Afrika ee xuquuqda aadanaha (African Court on Human and Peoples Rights), taasoo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hey’adaha aan dowliga aheyn u ogolaanaysa in ay galgal u yeeshaan maxkamadda.
  11. Waxaa dowladda lagu dhiirigelinayaa in diyaariso oo ansixiso sharciga Helitaanka Xogta (Access to information law), Sameyso sharciga aasaaska Warbaahinta adeegga Dadweynaha (Public Service Broadcaster, PSB)). Diyaariso habraacyada siyaasadeed iyo sharci ee lagu taageerayo Xoriyadda Hadalka, Helitaanka Xogta iyo Badqabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Previous Post

Soomaaliya oo gudbisay warbixintii taariikhiga ahayd ee CRC

Next Post

AMISOM Commander visits Djibouti and Ethiopian forces on assessment mission

Next Post
AMISOM Commander visits Djibouti and Ethiopian forces on assessment mission

AMISOM Commander visits Djibouti and Ethiopian forces on assessment mission

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In