Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ku-xiggeenka Warfaafinta oo soo xiray tababar diiradda lagu saarayay ka hor-tagga qataraha ay wajahaan Saxafiyiinta “War-saxaafadeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Ku-xiggeenka Warfaafinta oo soo xiray tababar diiradda lagu saarayay ka hor-tagga qataraha ay wajahaan Saxafiyiinta “War-saxaafadeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa soo xirey maanta tababar muddo labo maalin ka socdey magaalada Muqdisho, kaasi oo diiradda lagu saarayay siddii looga hortagi lahaa qataraha iyo dhibaatooyinka ay wajahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo doorka ay qadanayaan guddiga ka shaqeeyo arrimaha badqabka saxafiyiinta.

Tababarkaan oo ahmiyad weyn u leh bahda Suxufiyiinta ee ka howgalo dalka, ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kaashaneyso Hay”adda UNESCO, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 11 Qodob.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Halkaan hoose ka Akhriso War-Murtiyeedka

WAR-MURTIYEED

Isniin: 16 September 2019: Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Aqoonisweydaarsi muddo laba maalmood ah socday, oo la xiriiray aasaasidda Nidaamka Dabagalka iyo ka Warbixinta Badqabka Saxafiga Soomaaliyeed iyo xukun ku qaadis la’aan ku gaboodfalayaasha Saxafiyiinta.

Ka qeybgalayaasha aqoon-isweydaarsiga, ayaa isugu jiray xubnaha Guddiga Badqabka Saxafiyiinta iyo daneeyayaasha, oo ay ka mid ahaayeen hey’adaha dowladda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee Wasaaradaha Warfaafinta, Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha iyo Xafiiska Xeer Ilaaliya guud ee qaranka, Xubnaha Saxaafadda gaarka loo leeyahay iyo ururada bulshada rayidka ah.

Ka qaybgalayaasha, ayaa gabagabadii kulanka soo saaray War murtiyeed ku aadan sidii loo dardargalin lahaa howlaha Guddiga Badqabka Saxafiga Soomaaliyeed.

  1. Waxaa la isla qaatay in la adeegsado Habraaca UNESCO ee Dabagalka iyo Ka warbixinta badqabka saxafiyiinta si loo uruuriyo xogaha la xiriir xadgudubyada ka dhanka Saxafiyiinta.
  2. Waxaa lagu talinayaa in Guddiga Badqabka Saxafiyiintu uu soo saaro warbixintiisa ugu horeysa ee sanadka ee badqabka saxafiga iyo xukun ku qaadis la’aan ku gabood-falayaasha Saxafiyiinta ka hor 2-da bisha November 2019, oo ah maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda xukun ku qaadis la’aan ku gabood-falayaasha Saxafiyiinta.
  3. Waxaa laga codsanayaa hey’adaha dowladda ee heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed in ay kala shaqeeyaan Guddiga Badqabka Saxafiga sidii uu u gudan lahaa howlaha horyaalla.
  4. Waxaa lagu taliyay in laga codsado Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in dacwad ooge u gaar ah uu u xil saaro dacwadaha la xiriira saxaafadda iyo suxufigaba.
  5. Waxaa loogu baaqay Guddiga Badqabka Saxafiga in uu hormuud ka noqdo xaqiijinta tababarada Badqabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwo tayo leh, oo waxtara Saxafiyiinta dalka.
  6. Waxaa lagu talinayaa in Guddiga Badqabka Saxafiyiinta loo sameeyo sharcigii lagu aasaasi lahaa si uu u noqdo Guddi Qaran, laguna daro guddiyada madaxa bannaan ee Dastuuriga ah ee dalka, ee ay aasaasayaan qodobada 110 iyo 111 ee Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
  7. Waxaa la soo jeedinayaa in la dardargaliyo ansixinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqdaha Aadanaha.
  8. Waxaa lagu baaqayaa in la dardargeliyo dhameystirka ansixinta Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed.
  9. Waxaa loo soo jeedinayaa hey’adaha Warbaahinta dalka in ay taageeraan ololaha UNESCO #RuntuMarnaMaDhimato #TruthNeverDies, kaasoo ah olole lagu dhiirigelinayo xuska saxafiyiinta la dilo, oo ay sameeyaan barnaamijyo iyo maqaallo muujiya shaqooyinkii ay soo qabteen.
  10. Waxaa loo soo jeedinayaa Wasaaradaha Cadaaladda iyo Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha in ay qeyb ka noqdaan Protocol-ka Maxkamadda Afrika ee xuquuqda aadanaha (African Court on Human and Peoples Rights), taasoo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hey’adaha aan dowliga aheyn u ogolaanaysa in ay galgal u yeeshaan maxkamadda.
  11. Waxaa dowladda lagu dhiirigelinayaa in diyaariso oo ansixiso sharciga Helitaanka Xogta (Access to information law), Sameyso sharciga aasaaska Warbaahinta adeegga Dadweynaha (Public Service Broadcaster, PSB)). Diyaariso habraacyada siyaasadeed iyo sharci ee lagu taageerayo Xoriyadda Hadalka, Helitaanka Xogta iyo Badqabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Previous Post

Soomaaliya oo gudbisay warbixintii taariikhiga ahayd ee CRC

Next Post

AMISOM Commander visits Djibouti and Ethiopian forces on assessment mission

Next Post
AMISOM Commander visits Djibouti and Ethiopian forces on assessment mission

AMISOM Commander visits Djibouti and Ethiopian forces on assessment mission

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In