Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: “Dadka sida sharci darrada u degan Ex-fiyoore haka guureen 10 cisho gudahood”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Taliyaha Hay’ada Nabdsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (Cumda), Abwaanno iyo Fanaaniin ka tirsan Hobalada Qaranka ee Waaberi ayaa waxa ay kormeer ku tageen Hooyga Hobolada Waaberi ee Ex-Fiyoore, wuxuuna Wasiirku ku amray dadka sida sharci darada ah ku degan halkaasi inay uga guuraan mudo 10-cisho gudahood ah, iyadoo cidii aan amarkaasi u hogaansmaina talaabo laga qaadi doono.

Wasiir Maareeye oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay ilinka hore Ex-fiyoore ayaa sheegay in go’aanka halkaasi looga rarayo dadka sharci darada ku degan uu ka dambeeyay kadib cabasho uga timid xubnaha Hobalada Qaranka ee Waaberi, taasi oo ah in dad badan si aan sharci aheyn ku degnaayeen guryaha ku yaala Ex-fiyoore.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Sidookale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya ayaa xusay in dadka mudadii burburka dalka uu kujiray deganaa Ex-fiyoore ee aan aheyn Hobolada Qaranka Waaberi  iminka loo baahan yahay inay u guuraan qeybaha kale ee magaalada, maadaama buu yiri Wasiirku  hormar iyo isbedel badan uu kajiro Caasimada Muqdisho.

“Waa mahadsantihiin maanta waxaa sharaf inoo ah inaan soo booqano xaruntii Hobalda Waaberi ee Ex-fiyoore oo aan ugu imaano runtii odayaashan, waaweyn Harawo, Sangub, Barrow Cabdikariin Jiir, Dalxa oo Xildhibaan ah fanaana ah, Oday Cabdulle iyo odayaahsan dhan inaa halkan ugu imaano ani iyo taliyaha nabadsugida Soomaaliyeed, runtii waxaa mudo nasoo gaarayay cabasho ka soo baxayay Hobalada Waaberi ee waaweeyn oo laga qabsaday guryahoodii iyo dhulkii ay wacyigalinta ku sameyn jireen, waxaan leenahay walaalaha halkaan degan intii aad ku nacfin karteen waa ku nacfideen, intaa degnaa karteen waa degneedeyn laakiin maanta waxaa loo celinayaa gacmihii lahaa gacmihii hobalada Waaberi, isaga guura walaalayaal waxaan amar ku bixneynaa qof kastoo aan kamid aheyn Hobalada Waaberi inuu mudio 10-cisho ah ka ka guuraan cidii aan kaguurin talaabo sharciyaa laga qaadayaa”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasaarada Warfaafinta ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo gacanta Wasaarada dib loogu soo celinayo isla markaana dadka sida sharci darada ah ku degan looga saarayo xarumihii iyo guryihii ay Wasaaradda laheyd oo oo ay ka mid yihiin Ex-Fiyoore iyo Tiyaatarka Qaranka.

Previous Post

Sharciga nidaaminta shidaalka oo laga hadlay

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In