Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Dowladda waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye “Dowladda waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Wasiirka  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id uu kaga hadalayay qiimaha ay leedahay Maalinta 2ada November oo caalamku u asteeyay  maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Xukun-Ku-Qaadis La’aanta Dambiyada laga galo Saxafiyiinta oo sanad walba labada bisha November laga xuso Adduunka oo dhan  ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay tahay in la cirib tiro ku xadgudubka wariyaha iyo dhamaan dambiyada kale ka dhanka ah warbaahita xorta ah.

“2-da November 2019 waxay ku beegen tahay maalinta  adduun waynaha  iyo bahda warbaahinta, ururadoodu ay ku qiimeeyaan qaabka dowladuhu uga hortagaan ama ula xisaabtamaan xadgudubka iyo dambiyada laga galo wariyaha iyo warbaahinta xorta ah, inkastoo dalkeenna  Soomaaliya weli yahay  wadan dhib ka soo  gaaro  wariyaha ama kasoo gaari karo maadama ay ka howlgasho argagixisada caalamiga ah, dhinaca kalena aan weli adkayn hirgelinta amarka iyo kala dambaynta dalka maadama dalkeennu yahay wadan kasoo kabanaya burbur dowladnimo, xukunkuna aan weli si baahsan oo siman dalka oo dhan iskugu xirnayn”. Ayuu yiri Wasiirka Warfafinta.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Wasiir Maareeya ayaa soo hadal qaaday in la sameeyey shuruucdii la xiriirtay xaqijinta arrimahaasi badqabka saxafiga iyo saxaafadda Soomaaliyeed.

”Waxaanu sameeynay dhamaan shuruucdii hay’adihii iyo xeerarkaasi xaqiijin lahaa, hadafkaas iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ciribtirka la xisaabtan la’aanta xadgudubyada Wariyayaasha iyo Warbaahintaba”. ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dalka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata  ayaa yiri “Annagoo kaashanayna ururada ay ku midaysan yihiin Wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo Warbaahinta xorta ah, ururrada bulshada rayidka ah ee dalka, waxaanu dhisnay guddi Qaran ee badqabka wariyaha (National Coordination Committee for safety of Somali Journalists), Soomaaliyana waxay noqotay wadankii ugu horeeyay ee bariga Afrika ee guddigaasi dhisa”.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayuu sheegay Wasiirku in ay xiriir dhow oo wada Shaqayn ah  la leedahay wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ururadooda, isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay Wasaaraddu xoojinayso xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexeysa Hay’adaha dowladda sida Booliiska, Garsoorka, ururada Suxufiyiinta iyo Wariyeyaasha, ayna diyaar u tahay inay hoggaamiso dadaalka Soomaaliya looga cirib tirayo ku xadgudubka wariyayaasha.

Ugu dambayntii Wasiiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay  Wasaaradda iyo howlwadeennadeeda howsha ay qabteen iyo ururada suxufiyiinta oo ku guulaystay inay siyaasad ahaan ay hormuud u noqdaan geeska Afrika , islamarkaana sameeyaan hab lagu ciribtiro xadgudubka Saxafiga iyo Saxaafadda, dhanka kale Wasiirka ayaa  tacsi u diray eheladii iyo carrurtii ay ka tageen wariyeyaashii ku geeriyooday iyagoo shaqadoodi ku guda jiray.

“Samir iyo iimaan dhamaanteen Allaha naga siiyo, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga dhayo sida Ismaaciil Sheekh Khaliifa iyo wariyeyaasha la midka ah, waxaan ballan qaadaynaa dowlad ahaan in aan ciribtirno xadgudubka xaqdarrada ah  ee loo gaysan karo wariye shaqadiisa ku guda jira”. ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Maareeye.

 

Previous Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyad sanadeedkii 2017 “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Turkiga “SAWIRRO”

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Turkiga "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In