Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Dowladda waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye “Dowladda waxaa ka go’an ilaalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Wasiirka  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id uu kaga hadalayay qiimaha ay leedahay Maalinta 2ada November oo caalamku u asteeyay  maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Xukun-Ku-Qaadis La’aanta Dambiyada laga galo Saxafiyiinta oo sanad walba labada bisha November laga xuso Adduunka oo dhan  ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay tahay in la cirib tiro ku xadgudubka wariyaha iyo dhamaan dambiyada kale ka dhanka ah warbaahita xorta ah.

“2-da November 2019 waxay ku beegen tahay maalinta  adduun waynaha  iyo bahda warbaahinta, ururadoodu ay ku qiimeeyaan qaabka dowladuhu uga hortagaan ama ula xisaabtamaan xadgudubka iyo dambiyada laga galo wariyaha iyo warbaahinta xorta ah, inkastoo dalkeenna  Soomaaliya weli yahay  wadan dhib ka soo  gaaro  wariyaha ama kasoo gaari karo maadama ay ka howlgasho argagixisada caalamiga ah, dhinaca kalena aan weli adkayn hirgelinta amarka iyo kala dambaynta dalka maadama dalkeennu yahay wadan kasoo kabanaya burbur dowladnimo, xukunkuna aan weli si baahsan oo siman dalka oo dhan iskugu xirnayn”. Ayuu yiri Wasiirka Warfafinta.

Related posts

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025

Wasiir Maareeya ayaa soo hadal qaaday in la sameeyey shuruucdii la xiriirtay xaqijinta arrimahaasi badqabka saxafiga iyo saxaafadda Soomaaliyeed.

”Waxaanu sameeynay dhamaan shuruucdii hay’adihii iyo xeerarkaasi xaqiijin lahaa, hadafkaas iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ciribtirka la xisaabtan la’aanta xadgudubyada Wariyayaasha iyo Warbaahintaba”. ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dalka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata  ayaa yiri “Annagoo kaashanayna ururada ay ku midaysan yihiin Wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo Warbaahinta xorta ah, ururrada bulshada rayidka ah ee dalka, waxaanu dhisnay guddi Qaran ee badqabka wariyaha (National Coordination Committee for safety of Somali Journalists), Soomaaliyana waxay noqotay wadankii ugu horeeyay ee bariga Afrika ee guddigaasi dhisa”.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayuu sheegay Wasiirku in ay xiriir dhow oo wada Shaqayn ah  la leedahay wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ururadooda, isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay Wasaaraddu xoojinayso xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexeysa Hay’adaha dowladda sida Booliiska, Garsoorka, ururada Suxufiyiinta iyo Wariyeyaasha, ayna diyaar u tahay inay hoggaamiso dadaalka Soomaaliya looga cirib tirayo ku xadgudubka wariyayaasha.

Ugu dambayntii Wasiiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay  Wasaaradda iyo howlwadeennadeeda howsha ay qabteen iyo ururada suxufiyiinta oo ku guulaystay inay siyaasad ahaan ay hormuud u noqdaan geeska Afrika , islamarkaana sameeyaan hab lagu ciribtiro xadgudubka Saxafiga iyo Saxaafadda, dhanka kale Wasiirka ayaa  tacsi u diray eheladii iyo carrurtii ay ka tageen wariyeyaashii ku geeriyooday iyagoo shaqadoodi ku guda jiray.

“Samir iyo iimaan dhamaanteen Allaha naga siiyo, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga dhayo sida Ismaaciil Sheekh Khaliifa iyo wariyeyaasha la midka ah, waxaan ballan qaadaynaa dowlad ahaan in aan ciribtirno xadgudubka xaqdarrada ah  ee loo gaysan karo wariye shaqadiisa ku guda jira”. ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Maareeye.

 

Previous Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyad sanadeedkii 2017 “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Turkiga “SAWIRRO”

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Turkiga "SAWIRRO"

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In