Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: “Ganacsatada ha garab istaagaan dowladda oo ha bixiyaan canshuurta”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Xafladii xuska TVga Qaranka oo soo gabagaboowday iyo wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la howlgaliyay{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay garab istaagaan Dowladda, isla markaana ay bixiyaan lacagaha canshuurta ah si dowladdu ay ugu guuleysato dib u soo celinta amiga iyo xasilinta dalka.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay xafladda dib u howlgelinta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ganacsatada looga fadhiyo inay u istaagaan sidii ay u bixin lahaayeen cashuurta, si lacagahaasi loogu adeego bulshada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Adduunka ganacsatada waxa ay marwaliba garab istaagaan dowladooda oo ay bixiyaan sanadkii 50%, marka ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay bixiyaan canshuurta, si loogu xoojiyo amniga iyo horumarinta dalka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka oo soo hadal qaaday Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ayaa ku baaqay inay u istaagaan sidii looga wada shaqeyn lahaa danta guud ee dalka, isla markaana ay joojiyaan baahinta waxkasta oo wax u dhimaya Qaranimada Soomaaliya.

“Xalay waxaa jirtay in Idaacad la xiray, Milkiilihii Idaacadda waan la xiriiray, qalad ayaa ka dhacay, waxa ay ahayd in looo digo, laakiin waxaan ku dadaaleynaa sidii markale dib hawada loogu soo celin lahaa oo aan si wada jir ah ugu wada shaqeyno danta guud ee dalka” ayuu markale Wasiirka Warfaafinta hadalkiisa ku daray.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ciidanka ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo idmaday.

“Waxaan jeclahay in aan tixraaco hadalkii Walaalkeey Cabdikariin Xasan Jaamac, in aan hambalyo u diro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waayo daruufo adag ayay ku shaqeeyaan, waxaa kaloo la mid ah shaqaalaha Warbaahinta Qaranka iyo Hobollada Waaberi oo har iyo habeen u taagan wacyigelinta bulshada, tan kale waxaan rabaa in aan halkaan ka caddeeyo in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay yihiin geesiyaasha dalka” ayuu Wasiir Maareeye hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

 

 

Previous Post

Kooxda Juventus oo Ka Adkaatay Kooxda Empoli

Next Post

Howlwadeenada Warbaahinta Qaranka oo loogu hambalyeeyay xuska dib u howlgelinta Warbaahinta

Next Post
Koob lagu xusayay sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo loo dhigay Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka “SAWIRRO”

Howlwadeenada Warbaahinta Qaranka oo loogu hambalyeeyay xuska dib u howlgelinta Warbaahinta

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In