Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: “Ganacsatada ha garab istaagaan dowladda oo ha bixiyaan canshuurta”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Xafladii xuska TVga Qaranka oo soo gabagaboowday iyo wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la howlgaliyay{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay garab istaagaan Dowladda, isla markaana ay bixiyaan lacagaha canshuurta ah si dowladdu ay ugu guuleysato dib u soo celinta amiga iyo xasilinta dalka.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay xafladda dib u howlgelinta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ganacsatada looga fadhiyo inay u istaagaan sidii ay u bixin lahaayeen cashuurta, si lacagahaasi loogu adeego bulshada.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

“Adduunka ganacsatada waxa ay marwaliba garab istaagaan dowladooda oo ay bixiyaan sanadkii 50%, marka ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay bixiyaan canshuurta, si loogu xoojiyo amniga iyo horumarinta dalka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka oo soo hadal qaaday Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ayaa ku baaqay inay u istaagaan sidii looga wada shaqeyn lahaa danta guud ee dalka, isla markaana ay joojiyaan baahinta waxkasta oo wax u dhimaya Qaranimada Soomaaliya.

“Xalay waxaa jirtay in Idaacad la xiray, Milkiilihii Idaacadda waan la xiriiray, qalad ayaa ka dhacay, waxa ay ahayd in looo digo, laakiin waxaan ku dadaaleynaa sidii markale dib hawada loogu soo celin lahaa oo aan si wada jir ah ugu wada shaqeyno danta guud ee dalka” ayuu markale Wasiirka Warfaafinta hadalkiisa ku daray.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ciidanka ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo idmaday.

“Waxaan jeclahay in aan tixraaco hadalkii Walaalkeey Cabdikariin Xasan Jaamac, in aan hambalyo u diro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waayo daruufo adag ayay ku shaqeeyaan, waxaa kaloo la mid ah shaqaalaha Warbaahinta Qaranka iyo Hobollada Waaberi oo har iyo habeen u taagan wacyigelinta bulshada, tan kale waxaan rabaa in aan halkaan ka caddeeyo in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay yihiin geesiyaasha dalka” ayuu Wasiir Maareeye hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

 

 

Previous Post

Kooxda Juventus oo Ka Adkaatay Kooxda Empoli

Next Post

Howlwadeenada Warbaahinta Qaranka oo loogu hambalyeeyay xuska dib u howlgelinta Warbaahinta

Next Post
Koob lagu xusayay sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo loo dhigay Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka “SAWIRRO”

Howlwadeenada Warbaahinta Qaranka oo loogu hambalyeeyay xuska dib u howlgelinta Warbaahinta

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In