Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye oo daah furay adeeg casri ah oo lagu soo kordhiyay Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye oo daah furay adeeg casri ah oo lagu soo kordhiyay Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta daah furay adeeg cusub oo ay Wasaaradda Warfaafinta soo kordhisay, kaasi oo ku saabsan in bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay si toos ah ugala socon karaan taleefankooda gacanta ah barnaamijyada, wararka iyo waxkasta oo ka baxa Warbaahinta Qaranka, sida SNT1, SNTV2 iyo Radio Muqdisho.

“Waxaa sharaf noo ah maanta inaanu furno horumar kale weyn, oo Warbaahinta Qaranka gaartay, oo ah inaan sameynay, App ama teknoloojiyo casri ah, oo Warbaahinta Dowladda, sida Tv-ga Qaranka, Somali National Tv1, Somali National TV2 iyo Radio Muqdisho kuu saamaxaya meelkasta oo aad adduunka ka joogto iyo goob kasta oo aad joogto inaad mobile-kaaga live ugala socon karto” ayuu yiri Wasiika Warfaafinta.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Wasiir Maareeye ayaa hoosta ka xariiqay in muddo yar ka hor ay Wasaaraddu ku guuleysatay inay hirgeliso adeegga warbaahin danabeedka oo  ku dhawaad saddex milyan oo qof lagu quudiyo, kuwaasi oo heli maalinkasta xogta dowladda iyo horumka ay ku talaabsatay.

Warbaahinta Qaranku waxay maanta macaamiisheeda iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed u soo kordhisay adeeg cusub oo kuu saamaxaya in aad mobilkaaga si toos ah (Live) uga daawato SNTV1 iyo SNTV2, una dhegaysato Radio Muqdisho meel kasta iyo goob kasta oo aad joogto, ogow adeegu waa lacag la’aan. Fadlan Raac tilmaamaha oo soo dejiso App-ka, kaddibna la soco warar, Barnaamijyo, Madadaalo iyo horumarka dalkaaga iyo dadkaaga oo xiiso leh.

 

Previous Post

Dowladda oo gurmad caafimaad gaarsiisay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In