Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye oo shaaciyay in gurmad balaaran uu beri gaari doono Beladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo ku boorriyay dhallinyarada iney ka qeybqaataan horumarka dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu bari subixii gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026

“Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka midyihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasi oo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Runtii dadku waxa ay u baahanyihiin taakuleen, dowladdu wixii karaankeeda ah wey geysay, inkasta airport Beladweyn uu naga xirnaa labo maalmood, waxaa nasiib wanaag ah in uu hadda dib u furmay, oo galabta naloo sheegay in Airport uu furanyahay, beri waxaa tegi doona wafdi balaaran oo ay xubnaha guddiga, dad badan oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ย iyo dadkale oo technical ka ah oo ku shaqada leh oo ka socda Wasaaraha ay beri tegi doonaan oo gar gaar wada”.

Dowladaha Qatar, Turkiga iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa la sheegay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan kaalmo gaarsiinta dadku ay fatahaaduhu saameeyeen

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bogaadiyay dadaallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka ee kaalmada loogu aruurinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo argagixisada kala wareegay Deegaanno hoosyimaada Degmada Jamaame

Next Post

Digniino laga soo saaray duufaanno laga cabsi qabo inay ku dhufato xeebaha dalka

Next Post
Duufaanno daadad wata oo ku dhuftay deegaanno ka tirsan gobolka Bari โ€œDhageysoโ€

Digniino laga soo saaray duufaanno laga cabsi qabo inay ku dhufato xeebaha dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In