Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Waxaa noo qorsheysan in aan dib u dhisno Tiyaatarka Qaranka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqday xaruntii Farshaxanka ee Wakaaladda Murtida iyo madadaalada oo laga saaray Dadkii deganaa.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka saaray dadkii deganaa xarunta Farshaxanka kaddib markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay in dadkaasi ay kaga baxaan xaruntaas.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Taliyaha qeybta Booliska iyo hobolada Waabari ayaa kormeeray xaruntaan oo ku taalla Hooyga fanaaniinta ee Ex-fiyoore halkaasi oo wax soo saar u ahayd Fanaaniinta Soomaaliyeed.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Cali Maxamuud Cali Shariif, ayaa uga digay dadka inay sii degnaadaan xarumaha Dowladda, waxaana uu tilmaamay inay u taaganyihiin sidii xarumaha dowladda looga saari lahaa dadka sida sharci darada ah u degan.

Maareeye kuxigeenka Tiyaatarka Qaranka Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir ayaa kaga mahad celiyay Dowladda inay gacantooda kusoo celiso xaruntii Farshaxanka.

“waxaan uga mahad celineynaa Wasiirka sida uu fuliyay balantii, waa inay ku deydaa Wasiiradda kale, waxa ay noo ahayd halkaan xarun farshaxan dhaqan iyo madaadaalo”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dib usoo celinta xarunta Farshaxanka ay qeyb ka tahay dadaalada lagu soo nooleynayo xarumihii hore oo ay ka mid tahay Tiyaatarka Qaranka, oo ay qorsheynayaan in lagu dhiso iskaa wax u qabso.

“ Guri Warfaafinta, warfaafinta ayaa iska leh, hooy boolis, booliska ayaa iska leh, waxaan u mahad celineynaa dadkii u hogaansamay amarkeena, dhowaan waxaan u furi doonaa Tiyaarterka oo aan dhiseyno, marka halaga qeyb qaado dib u dhiska tiyaatarka”

 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo laga guddoomay warqadihii aqoonsiga safiirnimo “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In