Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: Waxaan Daah furnay labo todobaad oo ah Maalmaha Dalxiiska Soomaaliyeed+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: Waxaan Daah furnay labo todobaad oo ah Maalmaha Dalxiiska Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal dhalinyaro ah xubno katirsan goloyaasha kal duwan ee dowladda Ganacsato iyo marti sharaf kala duwan ayaa kasoo qeyb-galay xaflad balaaran oo lagu maamuusayay maalinta dalxiiska Soomaaliyeed oo lagu qabtay gudaha xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta Farxiyo Samaan ayaa sheegay in haatan dalxiiska dalka laga dareemayo isbedel iyadoo sanadkii sedexaad oo xiriir ah xooga lagu saaray sidii loo soo noo leyn lahaa daxliiska dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026

” Waxaa hada isbedel xooggan laga dareemayaa heerka uu gaarsiisanyahay dalxiiska dalka waana arrin sedexdii sano ee la soo dhaafay aan si isdaba jooga ah aan kor ugu qaadeynay sidii aan dib ugu soo nooleyn-lahyeyn ayay tiri agaasime farxiyo.

Agaasimagaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf sheikh Al-cadaala ayaa hadlay ahmiyada ay leedahay munaasbadaan iyo waxyaabaha lagu soo bandhigayo.

“Munaasabadaan waxa ugu weyn ay caawa qusyeso waxaa ka mid ah inaan u dabaal degno maalinta dalxiiska iyo sidoo kale inaan asteyno goobaha lagu soo bandhigayo ayuu hadalkiisa ku daray Agaasime Cadaala.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan golaha shacabka sidoo kalene ka mid ah ganacsatada dalka maalgashiga ku sameeyay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed in amniga uu ka horeeyo maalgashiga dalka taasine lagula dagaalami karo nabad gelyo la’aanta.

“Aniga waxaa qabaa in marka hore laga shaqeeyo maalgashiga taasine aan kula dagaalami karno amni darada ka jirta dalka waana qasab inaan bedelno muqaalka dalkeyna ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed shire falagle ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay soo bandhista goobaha bilicda leh ee dalka iyo sare uqaadista goobaha dalxiiska dalka.

“Anigoo ku hadlayay magaca dowlad goboleedyada dalka waxaan uga mahadcelinaynaa wasaaradda warfaafinta sida ay bulshada Soomaaliyeed ugu jiheyneyso sidii loo soo bandhigay goobaha bilicda leh ee uu alle nagu maneystay ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Falagle.

Sii hayaha wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xiyir maareeye ayaa ku dhawaaqay in labo todobaadka kasto ee bishaan kale loo asteeyay maalmaha dalxiiska dalka oo maalinba goobo dalxiis la soo bandhigayo.

“Muddo 14 cesho oo ka bilaabaneyso 13 bisha iyo 27 bishaan waxaan udabaal degeynaa maalmaha dalxiiska Soomaaliyeed waxaana ugu talagalnay in maalinta walba aan soo bandhigno goobno qurux badan ayuu yiri wasiir maareeye.

 

Tags: Wasiir Maareeye: Waxaan Daah furnay labo todobaad oo ah Maalmaha Dalxiiska Soomaaliyeed+Sawirro
Previous Post

Midowga Culimada Islaamka oo sheegay in baxreyn ay ku deg-degtay heshiiska ay la gashay Israel.

Next Post

Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

Next Post
Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

January 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi rasmi ah u diraysaa geerida Marxuum Danjire...

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay maydadka tiro ka mid ah Khawaarijta iyo hub fara badan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In