Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: Waxaan Daah furnay labo todobaad oo ah Maalmaha Dalxiiska Soomaaliyeed+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye: Waxaan Daah furnay labo todobaad oo ah Maalmaha Dalxiiska Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal dhalinyaro ah xubno katirsan goloyaasha kal duwan ee dowladda Ganacsato iyo marti sharaf kala duwan ayaa kasoo qeyb-galay xaflad balaaran oo lagu maamuusayay maalinta dalxiiska Soomaaliyeed oo lagu qabtay gudaha xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta Farxiyo Samaan ayaa sheegay in haatan dalxiiska dalka laga dareemayo isbedel iyadoo sanadkii sedexaad oo xiriir ah xooga lagu saaray sidii loo soo noo leyn lahaa daxliiska dalka.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

” Waxaa hada isbedel xooggan laga dareemayaa heerka uu gaarsiisanyahay dalxiiska dalka waana arrin sedexdii sano ee la soo dhaafay aan si isdaba jooga ah aan kor ugu qaadeynay sidii aan dib ugu soo nooleyn-lahyeyn ayay tiri agaasime farxiyo.

Agaasimagaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf sheikh Al-cadaala ayaa hadlay ahmiyada ay leedahay munaasbadaan iyo waxyaabaha lagu soo bandhigayo.

“Munaasabadaan waxa ugu weyn ay caawa qusyeso waxaa ka mid ah inaan u dabaal degno maalinta dalxiiska iyo sidoo kale inaan asteyno goobaha lagu soo bandhigayo ayuu hadalkiisa ku daray Agaasime Cadaala.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan golaha shacabka sidoo kalene ka mid ah ganacsatada dalka maalgashiga ku sameeyay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed in amniga uu ka horeeyo maalgashiga dalka taasine lagula dagaalami karo nabad gelyo la’aanta.

“Aniga waxaa qabaa in marka hore laga shaqeeyo maalgashiga taasine aan kula dagaalami karno amni darada ka jirta dalka waana qasab inaan bedelno muqaalka dalkeyna ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed shire falagle ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay soo bandhista goobaha bilicda leh ee dalka iyo sare uqaadista goobaha dalxiiska dalka.

“Anigoo ku hadlayay magaca dowlad goboleedyada dalka waxaan uga mahadcelinaynaa wasaaradda warfaafinta sida ay bulshada Soomaaliyeed ugu jiheyneyso sidii loo soo bandhigay goobaha bilicda leh ee uu alle nagu maneystay ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Falagle.

Sii hayaha wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xiyir maareeye ayaa ku dhawaaqay in labo todobaadka kasto ee bishaan kale loo asteeyay maalmaha dalxiiska dalka oo maalinba goobo dalxiis la soo bandhigayo.

“Muddo 14 cesho oo ka bilaabaneyso 13 bisha iyo 27 bishaan waxaan udabaal degeynaa maalmaha dalxiiska Soomaaliyeed waxaana ugu talagalnay in maalinta walba aan soo bandhigno goobno qurux badan ayuu yiri wasiir maareeye.

Tags: Wasiir Maareeye: Waxaan Daah furnay labo todobaad oo ah Maalmaha Dalxiiska Soomaaliyeed+Sawirro
Previous Post

Midowga Culimada Islaamka oo sheegay in baxreyn ay ku deg-degtay heshiiska ay la gashay Israel.

Next Post

Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

Next Post
Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In