Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Waxaan Yemen u direynaa Markab soo qaado muwaadiinta ku xaniban Dalkaasi” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Wasiir Maareeye “Waxaan Yemen u direynaa Markab soo qaado muwaadiinta ku xaniban Dalkaasi” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” iyo Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay markab ay dowladda Soomaaliya u direyso Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban, si dalkooda dib loogu soo celiyo.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ugu horeyn la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu jiro markab uu ganacsade Soomaaliyeed ku yaboohay in lagu soo daad gureeyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan, kaasi oo uu sheegay in iminka la rarayo oo la saarayo raashin, biyo iyo dawooyin, si dadka la soo qaadayo ay u helaan gurmad dhan waliba leh.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

“Waxaa jirta in ganacsade Cabdi Faarax uu dowladda ugu yaboohay markab, lagu soo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban, waxaana uu soo qaadayaa 2,300 (Labo kun iyo saddex boqol) oo qof labo jeer ayuuna ku laabanayaa Yemen, si uu mar labaad u soo qaado inta kale ee ku harsan dalkaasi, waxaana markabka raacaya suxufiyiin, dhaqaaatiir iyo howlwadeenno kale” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkiisa ku daray “Waxaa jirta in ay xaalado adag ku nool yihiin dadkii horey ugu soo barakacay magaalada, runtii roobabkii ka da’ay caasimadda saameyn ayay ku yeelatay qoysas badan oo u baahan in gurmad beni ‘aadannimo loo fidiyo”.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inta wax haysata, inay gacan ka geystaan gurmadka loo fidinayo Walaalahood ku soo guryo noqonaya dalka iyo kuwa kale ee barakacayaasha ah.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in dadka dib dalkooda loogu soo celinayo ay ku jiraan qaxooti u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo ay sheegtay in xilligan bulshada looga baahanyahay inay gurmad u fidiyaan, maadaama kolkii hore ay soo dhaweeyn u sameeyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen u carartay.

Ugu dambeynta Labada Wasiir ayaa waxa ay kormeer ku tegeen dekadda Muqdisho, halkaasi oo ay ka socoto howlo raashin iyo daawooyin lagu rarayo markabka oo la doonayo in berri uu u boqoolo dhanka dalka Yemen, waxaana ay halkaasi kula kulmeen Wasiirka Dekadaha iyo howlwadeenno kale oo dowladdu u xilsaartay in markabkaasi ay diyaariyaan.

IMG_9871 IMG_9792 IMG_9793 IMG_9795 IMG_9798 IMG_9799 IMG_9804 IMG_9805 IMG_9806 IMG_9807 IMG_9812 IMG_9813 IMG_9814 IMG_9816 IMG_9818 IMG_9819 IMG_9842 IMG_9844 IMG_9849 IMG_9857 IMG_9860 IMG_9863 IMG_9867

IMG_9871 IMG_9885 IMG_9887 IMG_9898  IMG_9901 IMG_9902 IMG_9907

 

Sawir Qaade: Maxamed Macalin Xasan “White-ka”

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada ee K/galbeed oo shaacisay xilliga la gelayo imtixaanka

Next Post

Banaanbax ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Next Post
Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koofur Afrika oo kulan ku yeeshay magaalada Cepe Town

Banaanbax ka dhacay dalka Koonfur Afrika

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In