Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Sadiiq Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Garoowe.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Sadiiq Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Garoowe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay’adaha dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland  iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Related posts

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026

Ujeeddada socdaalka  uu ku gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya magaalada Garoowe ayaa la xiriirta shir weyne socon doona muddo saddex cisho ah oo  halkaa uu ka furayo wasiirka oo la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’).

Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland,Jaamac Faarah Muuse ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu magaalada Garoowe ku soo gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo, wuxuuna sheegay muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta in looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa  ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in xarunta Puntland lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka shaqo abuur ee dalka .

“Dalkan waxaa looga baahanyahay waa shaqo abuur, saddexda maalin ee shirka uu socdo maskaxda ayaan shiileyna, waxaana ka fakerayna siyaasada qaran ee ku wajahan shaqo abuur ee dalkan..shaqo lama abuuri karo haddii aysan jirin xirfadii, xirfadiina way racsantahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada wuxuu caddeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ka go’antahay sidii mustaqbal wanagsan loogu jiheyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo furay kulanka wada-tashiga aas-aaska Machadka tababarka Garsoorka+-sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo furay kulanka wada-tashiga aas-aaska Machadka tababarka Garsoorka+-sawirro

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo furay kulanka wada-tashiga aas-aaska Machadka tababarka Garsoorka+-sawirro

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In