Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Sadiiq Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Garoowe.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Sadiiq Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Garoowe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay’adaha dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland  iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ujeeddada socdaalka  uu ku gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya magaalada Garoowe ayaa la xiriirta shir weyne socon doona muddo saddex cisho ah oo  halkaa uu ka furayo wasiirka oo la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’).

Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland,Jaamac Faarah Muuse ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu magaalada Garoowe ku soo gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo, wuxuuna sheegay muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta in looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa  ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in xarunta Puntland lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka shaqo abuur ee dalka .

“Dalkan waxaa looga baahanyahay waa shaqo abuur, saddexda maalin ee shirka uu socdo maskaxda ayaan shiileyna, waxaana ka fakerayna siyaasada qaran ee ku wajahan shaqo abuur ee dalkan..shaqo lama abuuri karo haddii aysan jirin xirfadii, xirfadiina way racsantahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada wuxuu caddeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ka go’antahay sidii mustaqbal wanagsan loogu jiheyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo furay kulanka wada-tashiga aas-aaska Machadka tababarka Garsoorka+-sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo furay kulanka wada-tashiga aas-aaska Machadka tababarka Garsoorka+-sawirro

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo furay kulanka wada-tashiga aas-aaska Machadka tababarka Garsoorka+-sawirro

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In