Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Sadiiq Warfaa: Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya waxay yareyn doontaa inaan ku laabano colaaddii+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Sadiiq Warfaa: Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya waxay yareyn doontaa inaan ku laabano colaaddii+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka Dhismaha iyo Guryeynta Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

“Marwalba oo aan arko dhisme socda waan ku farxaa, Maxaa yeelay waxaan ogahay in ay boqollaal dad ahi ay ka shaqa-geli doonaan waana shaqo abuur saameyn horumarineed ku yeelanaya qoysaska howl wadeennada dhismaha”ayuu yiri wasiir warfaa.

Related posts

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026

“Horumarinta hantida maguurtada ah ee Soomaaliya waxaa ay haysaa dhabihii saxda ahaa ee abuurida jawi casri ah, hufan, ammaan ah iyo deegaan wacan oo aysan kaliya ujeeddadu ahayn kor u qaadida bilicda waddanka balse waxaa dheer iney garab socoto shaqooyin la abuuro. Runtii madashani waa mid mudan in la amaano waxaana jeclaan lahaa shakhsi ahaan inaan u mahadceliyo shaqsi kasta oo arrintan ku lug leh,” ayuu yiri.

Wasiir Sadiq Warfa ayaa caddeeyay dadaallada ugu badan inay ku bixinayaan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, arrintaan ayuuna sheegay inay door weyn ka qaadanayso maalgashiga.

“Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya oo ah waddan ka soo kabanaya dagaallo sokeeye waxay yareyn doontaa inaan ku laabano coladdii. Markaa Madalkasto oo horumarineed sida tan hadda aan joogno ee horumarinta guryeynta iyo dhismaha waxay yeelan kartaa saameyn bulsheed iyo mid siyaasadeed oo weyn. Maal-gashadeyaasha ugu horreeya ee waddanka ma la kulmayaan tartan adag oo dhanka ganacsiga ah maxaa yeelay tartameyaasha ayaa yar. waxayna heli doonaan waxa loogu yeero faa’iidada-saanqaad hore. Qadar yar oo lacag ah ayaa Soomaaliya si weyn ugu abaabuli karta dib u soo celinta haybadeeni luntay”.

“Si aan u muujino sida ay nooga go’antahay in aan shaqooyin u abuurno dhallinyarada una siino tababbaro xirfadeed, waxaan u qoondaynay oo aan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dhawaan kusoo kordhinay Waaxda tababbarada farsamada gacanta si ay u hormariso una meelayso xirfadaha aan hiigsaneyno ee ku habboon dhallinyaradeenna si ay u noqdaan xirfadlayaal qeyb ka noqda horumarka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dhulkeenna Hooyo,” ayuu ku daray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Gabagabadii, wuxuu sheegay Ganacsatada guryaha ka ganacsata inay ka faa’iideystaan kobaca magaalooyinka Soomaaliya oo ka mid ah waddamada ugu xawaareynta badan adduunka dhanka magaaleynta. Dadka ku nool magaalooyinka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 6.45 milyan oo qof, oo ka dhigeysa 45% tirada guud ee shacabka.

 

Previous Post

XEER SOOMAALIGII HORE IYO XEERARKA CASRIGA EE DALKU MAXAY KU KALA DUWANYIHIIN MAXAYSE ISAGA MIDYIHIIN?

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In