Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Sadiiq Warfaa: Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya waxay yareyn doontaa inaan ku laabano colaaddii+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiir Sadiiq Warfaa: Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya waxay yareyn doontaa inaan ku laabano colaaddii+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka Dhismaha iyo Guryeynta Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

“Marwalba oo aan arko dhisme socda waan ku farxaa, Maxaa yeelay waxaan ogahay in ay boqollaal dad ahi ay ka shaqa-geli doonaan waana shaqo abuur saameyn horumarineed ku yeelanaya qoysaska howl wadeennada dhismaha”ayuu yiri wasiir warfaa.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“Horumarinta hantida maguurtada ah ee Soomaaliya waxaa ay haysaa dhabihii saxda ahaa ee abuurida jawi casri ah, hufan, ammaan ah iyo deegaan wacan oo aysan kaliya ujeeddadu ahayn kor u qaadida bilicda waddanka balse waxaa dheer iney garab socoto shaqooyin la abuuro. Runtii madashani waa mid mudan in la amaano waxaana jeclaan lahaa shakhsi ahaan inaan u mahadceliyo shaqsi kasta oo arrintan ku lug leh,” ayuu yiri.

Wasiir Sadiq Warfa ayaa caddeeyay dadaallada ugu badan inay ku bixinayaan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, arrintaan ayuuna sheegay inay door weyn ka qaadanayso maalgashiga.

“Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya oo ah waddan ka soo kabanaya dagaallo sokeeye waxay yareyn doontaa inaan ku laabano coladdii. Markaa Madalkasto oo horumarineed sida tan hadda aan joogno ee horumarinta guryeynta iyo dhismaha waxay yeelan kartaa saameyn bulsheed iyo mid siyaasadeed oo weyn. Maal-gashadeyaasha ugu horreeya ee waddanka ma la kulmayaan tartan adag oo dhanka ganacsiga ah maxaa yeelay tartameyaasha ayaa yar. waxayna heli doonaan waxa loogu yeero faa’iidada-saanqaad hore. Qadar yar oo lacag ah ayaa Soomaaliya si weyn ugu abaabuli karta dib u soo celinta haybadeeni luntay”.

“Si aan u muujino sida ay nooga go’antahay in aan shaqooyin u abuurno dhallinyarada una siino tababbaro xirfadeed, waxaan u qoondaynay oo aan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dhawaan kusoo kordhinay Waaxda tababbarada farsamada gacanta si ay u hormariso una meelayso xirfadaha aan hiigsaneyno ee ku habboon dhallinyaradeenna si ay u noqdaan xirfadlayaal qeyb ka noqda horumarka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dhulkeenna Hooyo,” ayuu ku daray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Gabagabadii, wuxuu sheegay Ganacsatada guryaha ka ganacsata inay ka faa’iideystaan kobaca magaalooyinka Soomaaliya oo ka mid ah waddamada ugu xawaareynta badan adduunka dhanka magaaleynta. Dadka ku nool magaalooyinka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 6.45 milyan oo qof, oo ka dhigeysa 45% tirada guud ee shacabka.

 

Previous Post

XEER SOOMAALIGII HORE IYO XEERARKA CASRIGA EE DALKU MAXAY KU KALA DUWANYIHIIN MAXAYSE ISAGA MIDYIHIIN?

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In