Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Sadiq Warfa: “Xal Ayaa Laga Gaaray Cabashada Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiir Sadiq Warfa: “Xal Ayaa Laga Gaaray Cabashada Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi  Warfa ayaa maanta shir guddoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlay cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Ujeeddada kullanka ayaa aheyd sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah oo shaqo joojin sameeyay iyagoo ka cabanaya shirkadda Favori LLC.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Deeqo Yassin iyo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Mudane Xirsi Aadan Roble, ayaa si wadajira ah waxaa uga qaybgalay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha ee FESTU,guddi ka socday shaqaalaha muruq-maalka ah iyo maamulka shirkadda Favori LLC.

“Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la dhowro xaquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, annaga taas ayaa halkan ina keentay.” ayuu yiri Wasiir Sadiq Warfa oo la hadlay guddi ka socday shaqaalaha muruqmaalka ah.

“Waxaan la kulanay maamulka garoonka oo warbixin aan ka dhageysanay, waxaa inoo xigay guddiga ka socday shaqaalaha cabanaya ee muruq-maalka ah, annagoo ka dibna u yeernay maamulka shirkadda Favori oo ka hor kullanka aan u gudbinay warqad rasmi ah oo faraysa xaquuqda Shaqaalaha iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiir Warfa.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa sheegay in hadda xal laga gaaray cabashada shaqaalaha, kullanka maanta qabsoomeyna uu billow u yahay kullamo lagu doonayo in xal looga gaaro cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka ah.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda waxaan Shaqaalaha muruqmaalka ah iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed u ballanqaadaya in xal kama dambeys ah muddo toddobaadyo ah looga gaari doono cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha .. Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc cid walba hageysa mas’uuliyadna saaraysa taas ayaana la waafajin doona.” ayuu yiri.

Shirkan ayaa waxaa xigo doona kullamo xal kama dambeys ah looga gaarayo cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka, kuwaaso hadda si rasmi ah ugu laabtay howlahoodi shaqo, ka dib shaqo joojintii ay Axaddii shalay sameeyeen.

 

Previous Post

Hay’adda Somali Relief Network Of North America Oo Deeq U Qeybisay Qoysas Danyar Ah “SAWIRRO”

Next Post

Minster Warfa meets Favori LLC and aggrieved workers for a resolution

Next Post
Wasiir Sadiq Warfa: “Xal Ayaa Laga Gaaray Cabashada Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde”

Minster Warfa meets Favori LLC and aggrieved workers for a resolution

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In