Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Xagaa “Falkan waa mid ay argagaixsadu ku dooneyso in ay ku xagal daaciso nabadgalyada ka hanaqaaday Galkacyo”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Xagaa “Falkan waa mid ay argagaixsadu ku dooneyso in ay ku xagal daaciso nabadgalyada ka hanaqaaday Galkacyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 28 Abriil 2018: Ku-Simaha Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa, askartii iyo saraakiishii ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku shahiiday qaraxii bahalnimada ahaa ee ay argagixisada Alshabaab ka geeysteen magaalada Gaalkacayo.

Wasiirka ayaa sheegay in qaraxaan oo uu ku shahiiday, Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Xasilinta Gobolka Mudug, Korneeyl Cabdixakiin Cabdullaahi Maxamuud (Xorreeye) uu muujinayo dhagarta iyo dhibaatada ay argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Innaa Lilaahi Wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan uga tacsiyeynaaya shacabka Soomaaliyeed dhammaan dadkii ku shahiidday weerarkaas fuleynimada ah ee naftii halligaha ka tirsanaa argagixisada Alshabaab uu ka fuliyey magaalada Gaalkacayo, halkaas oo ay ka socoto shaqo wanaagsan oo ku saabsan xasilinta Gobolka Mudug.

“Falkan waa mid ay argagaixsadu ku dooneyso in ay ku xagal daaciso nabadgalyada ka hanaqaaday Galkacyo. Waxaan farayaa Ciidanka Isku-dhafka ah ee ku howlan xasilinta magaalada Gaalkacayo in ay dar-dar geliyaan shaqada qaran ee ay hayaan, isla markaasna ay ka hortagaan falalka arxan darrada ah ee argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka.”

Wasiirka ayaa ku adkeeyey Shacabka Gobolka Mudug in ay ilaashadaan wadajirkooda iyo isku doobnidooda oo ah sababta ay duullaanka ku yihiin argagixisadu, iyagoona ku hamminaaya in ay dib u soo celiyaan colaaddii iyo dhibaatadii ay ka soo gudbeen shacabka Gobolka.

Ku-simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa shacabka Gobolka Mudug, laamaha ammaanka ee heer gobol iyo ciidanka Isku-dhafka ah ee xasilinta magaalada Galkacayo ay horseed u tahay sidii looga cirib tiri lahaa argagixisada Alshabaab dhammaan deegaannada Gobolka Mudug.

Previous Post

Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro

Next Post

Dhegeyso Madaxweyne Waare ”150.000 oo qof ayaa ka barakacday Fatahaada wabiga ee Baladweyne” (Waraysi)

Next Post

Dhegeyso Madaxweyne Waare ''150.000 oo qof ayaa ka barakacday Fatahaada wabiga ee Baladweyne'' (Waraysi)

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In