Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo ka qeyb galay xaflad duco ah oo loo qabtay Marxuum Axmed Keyse “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta oo ka qeyb galay xaflad duco ah oo loo qabtay Marxuum Axmed Keyse “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maanta oo Sabti ah xaflad duco ah u qabatay Marxuum Danjire Axmed Xaaji Ducaale Cabdullaahi (Axmed Keyse) oo noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee beeraha ee Soomaaliya iyo Safiir hore oo aroornimadii hore maalintii Arbacada, 8 January, 2020 ku geeriyooday magaalada Tucson ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka isagoo da’diisu ahayd 92 sano-jir.

Kulanka ducada ee Marxuumka oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirro , Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Safiirro, Diblomaasiyiin, Agaasimeyeyaasha Waaxyaha iyo saraakiisha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan “Dhabancad” waxa uu kaga sheekeeyay taariikhda Marxuum Axmed-kayse oo uu sheegay in ay ka wada-shaqeeyeen Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada London ee caasimadda Boqortooyada Midowday (UK) intii u dhexeysay 1970-1975, waxa uu ku tilmaamay wadani ay ku adkayd inuu ka gorgortamo wadajirka iyo midnimada ummaddiisa Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale caddeeyay inuu ahaa nabaddoon xaliyay khilaafaad beeleedyo ka jiray degmada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran intii ay gobollada waqooyi ku jireen gacanta gumaystihii Ingiriiska.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026

Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , horena u noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ayaa iftiimiyay in halgamaa Danjire Axmed-kayse Xaaji Ducaale Cabdullahi uu ku waari doono taariikhda sharfan ee Soomaaliya, noqon doonana mid lagu daydo marka loo eego dadaalkii miro-dhalay ee isaga iyo afar hoggaamiye kale oo Gobollada Waqooyi ka soo jeeda ay kaga dhabbeeyeen israacii Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya ee dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya 1 July, 1960, waxa kale uu daaha ka rogay in qoyska reer Xaaji Ducaale Cabdullaahi ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hureen naftooda, isagoo sheegay in qaar ka mid ah walaalihii iyo caruurtiisaba ay qaranka u adeegeen.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka ducada hadal ka jeediyay ayaa boggaadiyay habka qaban-qaabo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xus iyo duco ugu samayso halyeeyyada Qaran si gaar ah dadka ka shaqeeyay howlaha ku qotoma siyaasadda dibadda ee dalka, waxa uu sheegay in Danjire Axmed-kayse Xaaji Ducaale Cabdullahi uu ahaa halgame xoriyadda gobollada waqooyi ku suntan, isagoo sidoo kale ahaa halgame midnimada ummadda Soomaaliyeed , waxa uu farta ku goday inuu u saldhiggay isaga iyo kooxdiisaba dowladnimada Soomaaliya, maadaama uu heerkiisa aqooneed uu sarreeyay, isagoo ka mid ahaa aabayaasha xoriyadda iyo gobonnimada Soomaaliya, waxa uu olole u galay xuquuqda beerlayda Soomaaliyeed intii uu ahaa Wasiirka Beeraha, isagoo safiir ka soo kala noqday Wadamada Germany, Masar, Yemen iyo UK .

Wasiir Maareeye ayaa guul ku sheegay howlaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, uu dib ugu howlgeliyay Machadka Diblomaasiyadda iyo taabagelintiisa qorshayaal qaran oo wax gal u ah dalka iyo dadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo kulanka ducada ee Marxuum Axmed-keyse soo afjaray ayaa sheegay in Wasaaraddu dhaqan u leedahay in kulanno duco ah u qabato dadka u adeeggay dalka ee hore uga howlgalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradaheeda, isagoo xusay in dib u muujinta waxqabadkii dadkaas ay dalka iyo dadka uga tageen uu yahay dhaxal taariikheed caddayn u noqonaya in jiilba uu jiil kale uga daydo dhanka horumarka iyo dal-jaceylka, si loo gaaro hiigsiga qaran, isagoo Allah uga baryay Marxuum Axmed Xaaji Ducaale Cabdullaahi (Axmed Keyse) in naxariistiisa uu hugiyo, janaddiisa Fardowsana uu hooy uga dhigo.

Aayadado Qur’aanka Kariimka iyo ducooyin islaami ah ayaa laga akhriyay bilowga iyo dhammaadka xafladda ducada oo lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo soo gabo gabeeyay socdaal uu ku tegay Dalka Eretria “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

April 1, 2026
0

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In