Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Difaaca iyo Amniga oo ka warbixiyay weerarkii caawa “Sawirro+Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Difaaca iyo Amniga oo ka warbixiyay weerarkii caawa “Sawirro+Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Amniga gudaha iyo Gaaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyeyaasha ciidamada Nabad sugidda Qaranka iyo Booliska ayaa kormeeray Hotelka Siyaad ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah meelaha ay caawa weerarka ku soo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasiirka amiga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ugu horeyn la hadlay Warbaahinta waxa uu ciidamada geesiyaasha ah ugu dambalyeeyay guusha ay caawa ka gaareen dhagar qabaayashii weerarka ku soo qaaday Hoteelada Siyaad iyo Wehliye, halkaasi oo gebi ahaanba lagu qaarajiyay kooxihii weerarka soo qaaday.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Wasiirka Amniga waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay isdajiyaan oo ay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga, si looga hortago falalka ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Difaaca ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo isna la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ku bogaadiyay howlgallka ay ciidamada amniga ku soo afjareen weerarkii caawa ay dhagar qabayaal ka tirsan Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS ku soo qaadeen Hotellada Siyaad iyo Wehliye ee Muqdisho, halkaasi oo gebi ahaanba lagu qaarajiyay kooxihii weerarka soo qaaday.

Tifaftiraha Radio Muqdisho Ismaaciil Mukhtaar ayaa ku soo waramay in Wasiirada iyo taliyeyaasha la socday ay ku soo wareegeen Labada Hotel ee Wehliye iyo Siyaad.

Halkan ka dhageyso codadka labada Mas’uul

Wasiirka Amniga gudaha

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/07/Wasiirka-Amniga-Cabdirisaaq-Cumar-Maxamed.mp3

Wasiirka Gaashaandhigga

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/07/Wasiirka-difaaca-ee-Soomaaliya-Cabdiqadir-Sheekh-Cali-Diini.mp3

1  3 5 6 8 9

Previous Post

Hay’adda Nabad sugiddda Qaranka oo faah faahin ka bixisay howlgalkii caawa

Next Post

Ra’iisul wasaaraha oo kulan deg deg ah la qaatay Haya’daha amniga “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul wasaaraha oo kulan deg deg ah la qaatay Haya’daha amniga “SAWIRRO”

Ra’iisul wasaaraha oo kulan deg deg ah la qaatay Haya’daha amniga “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In