Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Gaadiidka ee Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay dhamayatirka Heshiiska Hawada ee Labada dal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirada Gaadiidka ee Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay dhamayatirka Heshiiska Hawada ee Labada dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan Cigall iyo Wafdi ay hogaaminayso oo ka qaybgalaya shirka Todobaadka Amniga ee ICAO oo ka dhacay magaalada Muscat ee dalka Cumaan, ayaa inta uu shirku socday waxay kulan doceed la yeelatay, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Saldanada Cumaan, H.E. Eng. Hamood Saciid Al Mawaali.

Waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka, Walaalnimo ee ka dhaxeeya Somaaliya iyo Cumaan ee dhanka Gaadiidka iyo Duulista hawada, iyo dhameystirka heshiiska Hawada Soomaaliya iyo Cumaan, iyadoo diiradda lagu saaray abuurista fursado cusub oo dhanka ganacsiga, dalxiiska iyo maalgashiga ah.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen muhiimadda ay leedahay in la kobciyo xidhiidh adag oo ka dhexeeya labada Wadan, Wasiir Fardowsa ayaa iftiimisay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ma ahan oo keliya gaadiidka iyo duulista ee sidoo kale kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, dekedaha, iyo meelaha kale ee faa’iidada u leh labada dhinac.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa u fidisay Casuumad, H.E. Eng. Al Mawaali WAsiirka Gaadiidka Ee Dalka Cumaan inuu bishan gudaheeda ku soo booqdo Soomaaliya, taasoo uu si wanaagasan u aqbalay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray fursadaha iskaashiga farsamo ee dhinacyada muhiimka ah ee duulista rayidka, oo ay ku jiraan dhisidda awoodda, amniga duulista, badqabka iyo adeegyada duulista hawada.

Ugu dambayn Wasiir Fardowsa ayaa aad ugu mahad-naqday Saldanadda Cumaan sida diirran ee ay ugu soo dhaweeyeen iyada iyo Wafdiga ay hogaaminayso ee ka qaybgalka xafladda toddobaadka ammaanka ee ICAO, iyaga oo hoosta ka xarriiqay labada Masuul muhiimadda ay munaasabaddani u leedahay horumarinta amniga duulista hawada adduunka. Ka-qaybgalkaani waxa uu astaan ​​u yahay tallaabo kale oo loo qaaday dhanka xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kobcinta iskaashi faa’iido leh oo dhexmara Soomaaliya iyo Cumaan.

 

Previous Post

U diyaar garowga Xuska Aas aaska Ciidanka Booliska oo socoto

Next Post

Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo

Next Post
Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo

Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In