Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Warfaafinta iyo Maaliyadda ee Soomaaliya oo si rasmi ah u daah furay Masraxa hal abuurka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Warfaafinta iyo Maaliyadda ee Soomaaliya oo si rasmi ah u daah furay Masraxa hal abuurka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu daah furayo masraxa hal abuurka oo loogu talagalay in abwaanada iyo aqoonyahanada ay ku soo bandhigaan sugaan iyo doodo cilmiyeysan ayaa caawa laga hirgeliyay gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa caawa si wada jir ah xariga uga jaray masraxa furan, kaasi oo wixii hadda ka dambeeya lagu qaban doono doodo iyo in bulshada loogu soo bandhigo xogta dowladda iyo horumarka ay ku talaabsatay.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Wasiir Maareeya oo hadalkooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in masraxa furan lagu soo bandhigi doono wax badan oo bulshada Soomaaliyeed wax u tara.

“Caawa waxaa halkan sharaf noo ah aniga iyo Wasiirka Maaliyada inaan furno masraxa furan oo ay dhistay Wasaaradda, halkan waxaa lagu qaban doonaan wax badan oo bulshada wax u tarta, madaxda sare ee dalka ayaa halkan imaanaya oo bulshada la hadlaya, oo sida caawa Warbaahinta u joogto ay awood u heli doonaan inay su’aalo ku weydiin karaan madaxdooda, Wasiirada waxa ay u imaan doonaan koox koox” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa hoosta ka xariiqay in Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ay masraxa furan si wadajir ah ugu qaban doonaan doodo.

“Dood cilmiyeedyo ayaa halkan lagu qaban doonaa, gaar ahaan arrinta badda oo aan keeni doono qabiiro dhanka badda ah, waxaan kaloo keeni doonaa arrimaha bulshada dad kala hadla, oo dood ku geli doono, si wada jir ah waxaa dood ugu qaban doono Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ayay halkan u furan tahay habeen iyo Maalin”.ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa daboolka ka qaaday in Golaha Murtida iyo Maddadaalada ee Tiyaatarta Qaranka xariga laga jari doono bisha Janaayo ee sanadka cusub, isagoo xusay in dhismaha masraxa hal abuurka ay gacan ka geysatay dhismaheeda Maareeyaha Wakaaladda dhismaha Qaranka.

“Masraxa furan qofkasta waa u furanyahay oo wax u sheegaya bulshadiisa, masraxa furan maamul gaar ah ayuu leeyahay waad imaan kartaan oo waad ku soo bandhigi kartaan xirfadiina iyo aqoontiina, Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa gacan nagu siisay dhismaha masraxa furan, iskaa wax u qabso ayaana ku dhisnay runtii waan u mahadcelinayaa Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac” ayuu Wasiirka hadalkiisa ku soo xiray.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wax badan la qabsan karo, masraxa ay Wasaaradda Warfaafinta hirgelisayna ay qeyb ka tahay horumarka iyo bilicda ka jirta magaalada.

“Wasiirka oo ah nin aftahana ayaa wax waliba sheegay oo soo koobay, masraxa aadka u quruxda badan waxa uu ka midyahay waxyaabaha qurxoon ee maalin kasta la furo, runtii halkan waa meesha wax la isugu sheegi karo., waxa ay fududeyneysa in aragtiyo la isku weeydaarsado, dhismaha waan kaala qeyb galeynaa runtii sida aan ugala qeyb qaadano dhismaha xarumaha Wasaaradaha kale.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Munaasadda lagu daah furayay masraxa hal abuurka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, Maareeyaha Guud Wakaaladda Dhismaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo qaar kale oo ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, marti sharaf iyo fanaaniinta Hobollada Qaranka, kuwaasi oo madasha ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeyso horumarka ay dowladda ku talaabsatay iyo baraarujin ku saabsan inay ka qeyb qaataan horumarinta dalka.

 

Previous Post

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo xilkiisa si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdsiho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdsiho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In