Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Kulan looga hadlayay qaybyo qoraalka Awoodaha hay,addaha Cadaalada, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Gudoomiyaha maxkamad sare ee dalka Ibraahiim Iidle Sulebaan, Wasiir ku xigeenka Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Cilmi, Wasiirada Cadaalada Dawlad gobleedyada.
Kulankaan oo ahaa mid wadatashiga ah waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo mudadii uu socday lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen gudiga farsamada oo ku sabsaneyd Awoodaha hay,addaha Cadaalada iyo sharuucda kalahageeysa Garsoorka iyo Maxakamada dalka.
“waxaan magacaawnay guddi farsamo oo ka shaqeeyo sida ay noqoneyso qaabka cadaalada dalka, waxa ayna soo saareen qabyo qoraal kaas oo aan kuwada shaqeyneynay waxaana ka dhashay is faham guud” sidaa waxaa yiri Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankaasi oo ay sidoo kale kaqeyb galeen Wasiirada Cadaalada ee Dawlad goboleedyada Jubbland, Hirshabeelle, Galmudug ,Koofur Galbeed, Puntland, iyo wakiilo ka kala socday Asluubta, Maxakamadaha iyo Cadaalada, ayaa waxaa la isku afgartay in la dardargaliyo talooyinka wax ku oolka ah ee logu hagaajinayo Cadaalada.
Wasiirka Cadaalada ayaa wada dadaalo lagu hormarinaayo cadaalada iyo garsoorka dalka Kulankaan kiisa xiga ayaa lagu qaban doonaa magaalada jowhar ee xaruunta gobolka shabelaha dhaxe.