Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga “Alle ayaa mahadleh qasaaro intan ka badan ayuu la damacsanaa dhagarqabaha isqarxiyay”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay maqaayad ku taala sarta Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne.

Dhagar qabe ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa galay goobta maqaayadda oo ay ku sugnaayeen koox wariyeyaal ah iyo dad kale oo goobta ka shaahiyeynayay, waxaana damaciisu ahaa in uu gumaado dadka halkaasi isugu tegay, balse qaar mid ah suxufiyiinta oo ka shakiyay ninka isqarxiyay ayaa goobta isaga cararay, taasi oo yareysay qorshihii uu ku doonayay in uu dadka ku laayo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Qaar ka mid ah wariyeyaashii ka badbaaday weerarka ismiidaaminta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ka shakiyeen, isla markaana ay keentay inay goobta isaga cararaan.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka dhagar qabaha isqarxiyay uu fashilmay, isla markaana uu aad u yaraaday in qasaare intaa ka badan ay ka dhashaan falkii uu isku qarxiyay, maadaama dadkii ka shakiyay ay goobta isaga carareen.

Wasiirka Warfaafita, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa dhanka kale sheegay in horaanta sanadkan guud ahaan dalka laga xoreyn doono maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in la joogteyn doono howlgallada ka dhanka ah ee Al-Shabaab, si looga hortago falalka ay bulshada ku dhibaateynayaan.

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho

Next Post

Xiisado ku soo laab laabtay Caabudwaaq oo xal nabadeed laga gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Xiisado ku soo laab laabtay Caabudwaaq oo xal nabadeed laga gaaray “SAWIRRO”

Xiisado ku soo laab laabtay Caabudwaaq oo xal nabadeed laga gaaray "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In