Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga “Alle ayaa mahadleh qasaaro intan ka badan ayuu la damacsanaa dhagarqabaha isqarxiyay”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay maqaayad ku taala sarta Hooyooyinka ee degmada Xamar weyne.

Dhagar qabe ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa galay goobta maqaayadda oo ay ku sugnaayeen koox wariyeyaal ah iyo dad kale oo goobta ka shaahiyeynayay, waxaana damaciisu ahaa in uu gumaado dadka halkaasi isugu tegay, balse qaar mid ah suxufiyiinta oo ka shakiyay ninka isqarxiyay ayaa goobta isaga cararay, taasi oo yareysay qorshihii uu ku doonayay in uu dadka ku laayo.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Qaar ka mid ah wariyeyaashii ka badbaaday weerarka ismiidaaminta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ka shakiyeen, isla markaana ay keentay inay goobta isaga cararaan.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka dhagar qabaha isqarxiyay uu fashilmay, isla markaana uu aad u yaraaday in qasaare intaa ka badan ay ka dhashaan falkii uu isku qarxiyay, maadaama dadkii ka shakiyay ay goobta isaga carareen.

Wasiirka Warfaafita, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa dhanka kale sheegay in horaanta sanadkan guud ahaan dalka laga xoreyn doono maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in la joogteyn doono howlgallada ka dhanka ah ee Al-Shabaab, si looga hortago falalka ay bulshada ku dhibaateynayaan.

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho

Next Post

Xiisado ku soo laab laabtay Caabudwaaq oo xal nabadeed laga gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Xiisado ku soo laab laabtay Caabudwaaq oo xal nabadeed laga gaaray “SAWIRRO”

Xiisado ku soo laab laabtay Caabudwaaq oo xal nabadeed laga gaaray "SAWIRRO"

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In