Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha Oo Kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa kormeer ku tagay Xafiisyada Xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sidoo kale ka warbixiyay waxqabadka Hay’adda ee sanadkii la soo dhaafay isagoo dhanka kalana soo jeediyay qorshayaasha u degsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda shanta sano ee soo socoto. Agaasime Cabdul ayaa Wasiirka iyo Madaxda kale ee Wasaaradda la wadaagay caqabadaha shaqo ee ku hor gudban Hay’adda isagoo sidoo kale soo bandhagay Xalka looga gudbi karo cabaqadaha uu xusay Agaasimaha Guud ee Hay’adda.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Dhanka kale Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha Amniga ayaa kormeer ku sameeyeen Goobaha laga soo dago iyo kuwa laga baxo ee Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho isagoo warbixino ka dhageystay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo kormeerayaasha Socdaalka Garoonka Aadan Cabdulle. Sidoo kale Xafiisyada uu kormeerka ku sameeyay Wasiirka Amniga gudaha waxaa kamid ahaa Waaxda Ajaanibta iyo fiisooyinka iyo Waaxda Jinsiyadda isagoo booqday Xarunta ugu weyn ee laga bixiyo adeegga baasaboorka Soomaaliya ee Degmada Hodan.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee Hay’addu ka heyso dal iyo dibedba isagoo uga mahadceliyay Agaasimaha guud iyo guud ahaan Howlwadeenada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ku kala sugan dalka iyo dibeddiisa. Wasiirka ayaa sheegay in caqabadaha shaqo ee ka jiro Hay’adda ay si wadajir ah uga wadashaqeyn doonaan Wasaaradda iyo Agaasinka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda isla markaana lala imaan doono xal waara ee looga gudbi doono caqabadaha jiro.

Ugu dambeyn, Kormeerka shaqo ee Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiiru Dowlaha Amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud (Obow). Dhanka kale Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaa iyana goobjoog ahaa Kormeerka uu ku yimid Xafiisyada xarunta dhexe ee Hay’adda K/xigeenada Agaasimaha Guud iyi qaar kamid ah Waaxyaha Hay’addu ka koobantahay.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya

Next Post

Ciidamada Galmudug oo howlgal qorseesan Gaalkacyo ka sameeyay

Next Post
Ciidamada Galmudug oo howlgal qorseesan Gaalkacyo ka sameeyay

Ciidamada Galmudug oo howlgal qorseesan Gaalkacyo ka sameeyay

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In