Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 hour ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudiga, ayaa kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha amni, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Sacuudiga ee dib-u-dhiska iyo tayeynta hay’adaha amniga Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

February 9, 2026
Is-dhaafsiga khibradaha sharci-dejinta ee Soomaaliya iyo Jarmalka oo laga hadlay

Is-dhaafsiga khibradaha sharci-dejinta ee Soomaaliya iyo Jarmalka oo laga hadlay

February 9, 2026

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah.

Dhankiisa, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf ayaa xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida.

Previous Post

Is-dhaafsiga khibradaha sharci-dejinta ee Soomaaliya iyo Jarmalka oo laga hadlay

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

February 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Iskaashiga...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

February 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudiga, ayaa kulan...

Is-dhaafsiga khibradaha sharci-dejinta ee Soomaaliya iyo Jarmalka oo laga hadlay

Is-dhaafsiga khibradaha sharci-dejinta ee Soomaaliya iyo Jarmalka oo laga hadlay

February 9, 2026
0

Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, oo ka mid ah guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka, islamarkaana uu...

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In