Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan ku saabsan is dhexgalka bulshada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan ku saabsan is dhexgalka bulshada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga Qaranka iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa ka qayb galay munaasabad ku saabsan isdhex galka bulshada, kaalinta bulshada uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka dalka, baraarujin ku saabsan sidii shacabku u bixin lahaayeen canshuuraha iyo soo bandhigidda waxyaabihii u qabsoomay maamulka Dagmada kaaraan ee gobalka Benaadir.

Munaasabadda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha bulshada iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo intii ay munaasabaddu socotay goobta lagu soo bandhigay suugaan ka hadlaysa bixinta canshuuraha iyo ka qeyb qaadashada isdhexgalka bulshada.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow ayaa ku dheeraaday ka hadlidda waxyaabaha u qabsoomay Maamulkiisa, isagoo codsi u jeediyay Madaxda dowladda kaa oo ku aadanaa in dhibane Xashi Cumar oo ku xiran muddo 18 sano ah Wadanka Talyaaniga gacan laga geysto sidii loo sii deyn lahaa.

“Waxaa jira Dhibane oo heer Kaaraan ah oo ku xiran Wadanka Talyaaniga oo la yiraahdo Xaashi, 18 sano ayuu ku dhibaateesanyahay Xabsiga ku yaalla Talyaaniga, waxaan leenahay madaxda dalka Soomaaliyeed iney arintaas wax weyn ka qabtaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqo Muqdisho Mudane Xasan Maxamad Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay arimo badan oo aay ka midyihiin   aminga, waxbarashada, caafimaadka, nadaafadda, bixinta canshuuraha, dismaha waddooyinka iyo cilad bixinta nalalka cad ceedda ku shaqeysa, waxaana uu bogaadiyay maamulka iyo shacabka degmada Kaaraan inay u istaagaan ka qeybqadashada Horumarka dalka

“Magaalada Muqdisho waa amni, waxaa ka jira nabadgelyo la isku haleyn karo, waxaana daliil cad u ah caawa habeen barki shan saac iyo bar halkaan in ay xaflad ka dhaceyso oo bulshadii iyo madaxdii Qaranka ay halkaan u fadhiyaan, ciidamadeena nabadgalyada ee hoowshaasi ilaahey ka sokoow doorka ugu muhiimsan ka qaatay, waan u mahadcelineynaa hadii kooxaha argagixisada ee adduunka oo dhan dhibatada u geysta ay mar mar is Qarxin ismidaamin ay ka sameeyaan gudaha caasimadda, taa micnaheedu ma ahan in magaalada aysan nabad ahay, magaalada guud ahaan waa nabad”ayuu yiri Muungaab.

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamad ayaa goddoomiyah gobalka, kan degmada iyo shacab haddii aysan isku duubni sameyn laheyn aysan suurta gal ahayn in xiligaan saqda dhexe ah aynu isku imaanno.

“Waxaa rabaa inaan laba qodob ka hadlo, runtii midka koowaad gudoomiyaha ayaa ka hadlay waa mida canshurta, waxaan aaminsanahay in guddoomiyaha gobalka howl muuqata uu ka qabtay guud ahaan, waana uga mahadcineynaa, sababtoo ah meeshan hadda joogno iyo waqtigaan joogno ma dhacdeen haduu uu asiga aheyn” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

_MG_9663 _MG_9664 _MG_9671 _MG_9672 _MG_9685 _MG_9703 _MG_9704 _MG_9719   _MG_9593  _MG_9788

_MG_9801

gobolka-1

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In