Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan ku saabsan is dhexgalka bulshada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan ku saabsan is dhexgalka bulshada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga Qaranka iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa ka qayb galay munaasabad ku saabsan isdhex galka bulshada, kaalinta bulshada uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka dalka, baraarujin ku saabsan sidii shacabku u bixin lahaayeen canshuuraha iyo soo bandhigidda waxyaabihii u qabsoomay maamulka Dagmada kaaraan ee gobalka Benaadir.

Munaasabadda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha bulshada iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo intii ay munaasabaddu socotay goobta lagu soo bandhigay suugaan ka hadlaysa bixinta canshuuraha iyo ka qeyb qaadashada isdhexgalka bulshada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

January 21, 2026
Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

January 21, 2026

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow ayaa ku dheeraaday ka hadlidda waxyaabaha u qabsoomay Maamulkiisa, isagoo codsi u jeediyay Madaxda dowladda kaa oo ku aadanaa in dhibane Xashi Cumar oo ku xiran muddo 18 sano ah Wadanka Talyaaniga gacan laga geysto sidii loo sii deyn lahaa.

“Waxaa jira Dhibane oo heer Kaaraan ah oo ku xiran Wadanka Talyaaniga oo la yiraahdo Xaashi, 18 sano ayuu ku dhibaateesanyahay Xabsiga ku yaalla Talyaaniga, waxaan leenahay madaxda dalka Soomaaliyeed iney arintaas wax weyn ka qabtaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqo Muqdisho Mudane Xasan Maxamad Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay arimo badan oo aay ka midyihiin   aminga, waxbarashada, caafimaadka, nadaafadda, bixinta canshuuraha, dismaha waddooyinka iyo cilad bixinta nalalka cad ceedda ku shaqeysa, waxaana uu bogaadiyay maamulka iyo shacabka degmada Kaaraan inay u istaagaan ka qeybqadashada Horumarka dalka

“Magaalada Muqdisho waa amni, waxaa ka jira nabadgelyo la isku haleyn karo, waxaana daliil cad u ah caawa habeen barki shan saac iyo bar halkaan in ay xaflad ka dhaceyso oo bulshadii iyo madaxdii Qaranka ay halkaan u fadhiyaan, ciidamadeena nabadgalyada ee hoowshaasi ilaahey ka sokoow doorka ugu muhiimsan ka qaatay, waan u mahadcelineynaa hadii kooxaha argagixisada ee adduunka oo dhan dhibatada u geysta ay mar mar is Qarxin ismidaamin ay ka sameeyaan gudaha caasimadda, taa micnaheedu ma ahan in magaalada aysan nabad ahay, magaalada guud ahaan waa nabad”ayuu yiri Muungaab.

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamad ayaa goddoomiyah gobalka, kan degmada iyo shacab haddii aysan isku duubni sameyn laheyn aysan suurta gal ahayn in xiligaan saqda dhexe ah aynu isku imaanno.

“Waxaa rabaa inaan laba qodob ka hadlo, runtii midka koowaad gudoomiyaha ayaa ka hadlay waa mida canshurta, waxaan aaminsanahay in guddoomiyaha gobalka howl muuqata uu ka qabtay guud ahaan, waana uga mahadcineynaa, sababtoo ah meeshan hadda joogno iyo waqtigaan joogno ma dhacdeen haduu uu asiga aheyn” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

_MG_9663 _MG_9664 _MG_9671 _MG_9672 _MG_9685 _MG_9703 _MG_9704 _MG_9719   _MG_9593  _MG_9788

_MG_9801

gobolka-1

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

January 21, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee...

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

January 21, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaybgalay Shir-weynaha 5-aad ee Xarunta...

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

January 21, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe, ayaa maanta booqasho ku tagtay xarunta...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

January 21, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah yeeshay, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In