Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka amniga oo Imaaraadka Carabta ka guddoomay doonyo dheereeya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo uu wehliyo taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegay doonyo dheereeya oo loogu talagalay in ciidanka badda ay ku howlgalaan.

Doonyahan oo ah kuwa dheereeya ayaa ah kuwa loogu talagalay in ciidanka badda ay ku howlgalaan oo ay xeebaha dalka ka difaacaan cidkasta oo ku soo xadgudubta, si loo xaqiijiyo amniga xeebaha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in mar waliba ay garab taaganyihiin caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana doonyaha maanta ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu tayaynayo ciidanka ilaalada xeebaha dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka deeqda doomaha ah ay soo gaarsiisay taliska ciidanka booliska Soomaaliya si wax badan looga qabto amiga dalka.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in deeqdan ay timid xili loo baahnaa, hayeeshee aysan kufilneen intaan ilaalinta xeebaha dalka, isagoo xusay in dowladda Imaaraadka ay ka rajeynayaan mid tan ka badan.

Previous Post

Xuska maalinta cuntada Adduunka ee 16-ka October oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Soomaalida xaafadda Islii oo loogu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan “Sawirro”

Next Post
Soomaalida xaafadda Islii oo loogu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan “Sawirro”

Soomaalida xaafadda Islii oo loogu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan “Sawirro”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In