Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa maanta guddoomiyey Shir dhex maray Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
Shirkaan ayaa Waxaa looga hadlay Horumarinta Amniga guud ee dalka iyo Kaalinta Beesha Caalamka ay ka qaadan karto arrimaha Ammaanka iyo dib u dhiska Ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale Shirkaan dhex maray Dawladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu taageeray qorshaha Dawladda ee dib u habeynta Ciidamada.
“Waxaan maanta guddoomiyay shir dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliga iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlayay Horumarinta Amniga Guud ee Dalka Somalia iyo kaalinta beesha Caalamka, iyadoo lagu taageeray qorshaha Dowladda ee dib u habeynta Ciidamada” Ayuu yiri Wasiir Ducaalle.